Falanqeyn: Macquul ma tahay in Soomaaliya shirka London looga cafiyo deymaha lagu leeyahay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Maanta oo khamiis ah waxaa lagu wadaa in magaalada London uu ka furmo shurweyne Caalami ah oo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya , waxaana shirkaas ka qeyb galaya  Madax ka socota qaar ka mid ah dalalka Caalamka , Safiiro iyo deeqbixiyeyaasha Caalamka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo dhammaan Madaxda maamul goboleedyadda ayaa ku sugan Magaalada London ee dalka Ingariiska, waxaana shirkaas wada jir u shir gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ingariiska .

Soomaaliya ayaa Shirka la tageysa qodobo dhowr ah waxaana ka mid ah sidii looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay iyo sidii loo taageeri lahaa dowladda Cusub ee Soomaaliya.

Dr Maxamed Maxamuud Culusow oo bartay cilmiga dhaaalaha ayaa sheegay inaysan sahlaneyn in Soomaaliya si sahal aa looga cafiyo deymaha lagu leeyahay hayeeshee taas ay u baahan tahay in marka hore wado dheer lasoo maro .

Wuxuu sheegay in qorshaha deymaha Soomaaliya looga cafinayo uu yahay mid wanaagsan oo hadii ay suura gasho Soomaaliya u horseedikarta inay soo kabato isla markaana ay heli karto deymo kale oo ay ku sameysan karto mashaariic kala duwan iyadoo dib  lacagahaas isaga bixineysa

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating oo shirkaas ka hadlayay wuxuu sheegay in Ujeedada shirka London ay tahay in dowladda cusub ee Soomaaliya la siiyo fursad ay ku soo bandhigto waxyaabaha mudnaanta u leh iyo in laga wad-hadlo iskaashiga dhaxmaraya dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shan sano ka hor ayay Britian Sidaan oo kale Soomaaliya u qabatay shirweyne Caalami ah oo arimaha Soomaaliya diiradda lagu saarayay .

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET