Akhriso Madaxda IGAD ee ka qeybalaya maanta shirka London iyo kuwa ka biyo diiday

Waxaa maanta Magaalada London ee dalka Ingiriiska si rasmi ah uga furmo doono shirkii ay soo diyaarisay Ingiriiska kaasoo looga hadli doono qodobo badan oo ku saabsan Soomaaliya, waxaana shirkaas lagu casuumay ku dhawaad 40 Dowladood.

Haddaba waxaa jiro madaxweynayaal badan oo ka tirsan urur Goboleedyada IGAD oo ka gaabsaday inay ka qeybgalaan shirka London, iyadoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn sababta ka damneyso, haddana waxay wararka qaar sheegayaan inay ku qanci waayeen qaabka ay dowladda Ingiriiska u wado shirkaan.

Madaxweynayaasha qaar ee ka baaqday shirkaan ayaa laga soo xigtay inaysan ingiriiska shaqo ku laheyn inay hoggaamiso shir looga hadlayo howgalka Midowga Africa ee Soomaaliya, midaasna ay aheyd arrin u gaar ah Africa.

Madaxweynaha aan shirkaas ka qeybgeli doonin waxaa ka mid ah Madaxeynaha Uganda iyo midka Jabuuti oo labaduba ka qeybgalay wajigii koowaad ee shirka London oo dhacay February 2012 markaas oo uu dalka Madaxweyne ka ahaa Xasan Shiikh Maxamuud, sidoo kalana waxaa ka gaabsaday dowladda Suudaan.

Waxaa si rasmi ah loo xaqiijiyey kaliya inay ka qeybgeli doonaan madaweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Waxaa muuqato inay jirto kala aragti duwanaansho ku aadan shirka Soomaaliya ee London kaasoo u dhaxeeyo dowladaha ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, waxayna keentay inay madaxda qaar ka qeybgeli waayaan halka qaar kalana ay aqbalaan.

Dhanka kalana waxaa shirkaan ka biyo diiday wadanka Jarmalka oo waraaq soo gaarsiiyey dowladda Soomaaliya iyo ingiriiska, waxayna ka dhawaajisay inaysan ka qeybgeli doonin shirkaas, maadama ay dowladda Ingiriiska kaligeed isku koobtay iyadoo leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

Hadalka kasoo yeeray dalka Jarmalka ayaa shaki weyn abuuray, waxaana hadda soo baxeyso in shirka London uu halis ku noqon doono mustaqbalka Soomaaliya, maadaama ay jiraan dano siyaasadeed oo qarsoon oo ay ingiriiska ka leedahay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET