Maxaa kusoo kordhay kiiska dilkii Shaafici Xaaji Diiriye?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb waxaa gaaray saraakiil ka socota maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kuwaas oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha maxkamadda derajada koowaad ee ciidamada G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Dhuusanmareeb ay berri ka bilaabaneyso dhageysiga wadcadda dilkii Shaafici Xaaji Diiriye oo Sabtidii lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Dhuusamareeb.

Allaha u naxariistee Shaafici ayaa ahaa wiil aad looga yaqaanay gobollada dhexe gaar ahaan magaalooyin ay ka mid yihiin Gurceel iyo Dhuusamareeb, waxaana dilay askar ilaalo u aheyd Senetor Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Kiiska la xariira dil marxuum Shaafici waxaa ku eedeysan ilaa seddax askari oo ka tirsanaa ilaalada Senator Dhagey, sida ay noo sheegeen ehellada wiilka la dilay.

Saraakiishan ka tirsan maxkamadda ciidamada ayaa Dhuusamareeb u tegay dhageysiga iyo go’aan ka gaaridda kiiskaas oo berri loo fariisa doono, sida aan xogta ku helnay.

Dilka Shaafici Xaaji ayaa xaafadda Dayax ee magaalada Dhuusamareeb ka dhacay gelinkii dambe ee maalintii Sabtida, waxaana rasaas ku furay askartii ilaalada ka heysay guri uu xaafadaas ka deganaa Senator Dhagey.

Senatorka oo isla maalinkaas ka hadlay dilka marxuumka ayaa tacsi u dilay qoyska wiilka la dilay, isagoo cadeeyey in hey’adaha ammaanka uu ku wareejiyey dadkii ku eedeysnaa dilkaas.