25.8 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Maxaa kusoo kordhay qorshaha la doonaayo in xilka looga qaado taliyaha booliska?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa qorshaha la doonaayo in xilka looga qaado Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid (Saacid).

Fulinta Qorshahaani ayaa waxaa iminka la xaqiijiyay inay ku howlan yihiin guddi loo xilsaaray baaritaan lagu sameynaayo Gen. Saacid oo lagu helay kiisas dhowr ah oo meel uga dhacaaya Sharafka Taliska Booliska.

Kiisaska ugu culus ee baaritaanka lagu hayo ayaa waxaa kamid ah in mudada uu xilka hayo uu shaqada ka eryay Askar ka badan 370 kuwaas oo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta loo eryay.

Waxaa sidoo kale, jira xadgudub dhanka Mushaarka ah oo uu ku sameeyay ciidamada dowlada, iyadoo markii su’aal laga weydiiyay sheegay inuu bixiyay mushaaradkaasi, balse aanu gaarin ciidamada Qaranka.

Guddiga iminka ku howlan baaritaanka socda ayaa waxaa lagu wadaa inay soo saaran warbixino cad oo ifin karta dacwadaha loo heysto Gen. Saacid.

Sidoo kale, waxaa maalmihii ugu danbeeyay Villa Somalia ku laalaabanayay Taliyihii Hore ee NISA Bashiir Jaamac ”Bashiir Goobe”, oo la doonaayo inuu booska kala wareego Gen. Saacid.

Si dhaba ilaa iyo hadda looma xaqiijin karo sida uu xaalku noqon doono waxaana isa soo taraaya wararka ku saabsan xil ka qaadista Gen. Saacid.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News