Maxaa kusoo kordhay xaflada Caleemo saarka madaxweyne Farmaajo (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafuud kala duwan oo ka socota caalamka ayaa maanta goobjoog ka noqonaya xaflada caleemo saarka madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Ducaale Beyle, guddoomiyihii gudiga doorashada ee madaxweyne Farmaajo uu kusoo baxay ayaa sheegay inay xaflada maanta tahay mid Taariiqi ah.

Wuxuu sheegay in masuuliyiin kala duwan oo caalamka ah lagu cazuumay xaflada maanta inay kasoo qeyb galaan.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa sidoo kale ka qeyb galaya munaasabada maanta ka dhaceyso magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha maamulka Ahlu sunna ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho si uu kaga qeyb galaa munaasabada caleemo saarka Farmaajo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com