Maxaa kusoo kordhay xariga taliyaha ciidanka Goodir ee DF Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho lagu xiray Taliyaha Ciiddanka Tababaran ee Goodir, G/dhexe Bashiir Cabdi Qaasim.

Taliyaha ayaa la sheegay in xariga uu ku muteystay Amar diido, kadib markii uu wax kama jiraan ka dhigay Amar uu bixiyay Taliyaha Guud ee Booliska DFS.

Mid kamid ah Ciidamada isaga ka amar qaata ayaa sheegay in saacad ka hor Taliyaha dib looga soo daayay Xabsiga isagoo muddo 24-sacadood ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Taliyaha lasii daayay xariga kadib ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu u gafay dhowr Taliye ciidan oo isaga ka sareysa darajo ahaan, waana sababta ugu weyn ee soo dadajisay Xariga Taliyaha.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa dhawaan soo saaray xeer dhigaaya in ciqaab ciidan la mariyo Taliyihii ku xadgudbaa Taliye kale, iyadoo loola gol leeyahay xaqiijinta sharciga ciidanka.

Ma aha Taliyihii ugu horeeyay ee Xabsi la dhigo waxa ayna tani hordhac u noqon doontaa ad adeega Hay’adaha Amniga DFS ee adag.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com