Maxaa laga filayaa shirka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Addis Ababa?

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa wafdi muhiim ah u dirtay magaalada Addis Ababa ee caasimada Itoobiya si ay ula kulmaan madaxda Itoobiyaanka.

Kulankan oo ah kii ugu horreeyay ee yeeshaan labada dhinac oo aan cidna garwadeen ka ahayn tan iyo markii uu billowday khilaafkoodii ku saabsan heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee badda.

Wafdiga dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda Cali Balcad ayaa sidoo kale kamid ah taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo xubno kale oo muhiim ah.

Ujeedka socdaalka wafdiga Soomaaliya ayaa ah xoojinta xiriirka ku dhisan is-ixtiraam iyo wada-shaqeyb dhexmarta Soomaaliya iyo Itoobiya, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Qodobada muhiimka ah ee miiska saaran ayaa waxaa kamid ah;

1. Hirgelinta heshiiskii Ankara oo dhigaya in labada dhinac ay ixtiraamaan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

2. Xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dal si loo horumariyo nabadda iyo amniga gobolka.

3. Dhib u xallinta arrimaha ku saabsan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya iyo Somaliland.

Heshiiska Ankara, oo garwadeen uu ka ahaa madaxweynaha Turkiga ayaa waxaa muhiim loogu arkaa hagaajinta xiriirka labada dal, oo muddooyinkii dambe ay ka dhaxeysay xiisad xooggan.

Kulanka Addis Ababa ayaa laga filayaa inuu noqdo mid wax ka beddela xiriirka labada dhinac, iyadoo la rajeynayo in iskaashi cusub oo dhinaca amniga iyo dhaqaalaha ah uu kasoo baxo.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa muddo dheer isku khilaafay arrimo badan oo siyaasadeed iyo istiraatiiji ah, waxaana la filayaa in wada-hadalladan ay dajin doonaan xiisadaha u dhexeeya, ayna horseedi doonaan horumar dhab ah oo dhex-mara labada dal.