Maxaa laga filayaa wada hadalka Eritrea & Jabuuti?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa kulanka Wasiirada Arrimaha dibadda Dibadda ee Somalia, Eriterea iyo Ethiopia oo ka socda magaalada Jabouti ee dalka Jabuuti.

Kulanka wadamadani oo bilowday maalinimadii shalay ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.

Kulamada socda ayaa waxaa xal loogu raadinayaa xasarada ka dhex oogan dowladaha Eriterea iyo Jabuuti oo kala heysta dhulal iyo maxaabiis.

Colaadda labada dhinac oo salka ku haysa duullaankii ay Eretrea ku qabsatay Buuralayda Dumeera, taasoo keentay in ay xukuumadda Asmara kula wareegto cudud Ciidan, kuna Af-duubato Askar Reer Jabuuti ah.

Qoraal lagu daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahya Wasiirka arrimaha dibedda Ethiopia oo looga hadlaayay xalinta muranka labada dal, ayaa waxaa lagu sheegay inay aad ula dhacsan yihiin sida ay wax ku socdan iyo isu soo dhawaashaha labada dowladood.

Nuqul kamid ah qoraalka lagu daabacay Bogga Wasiirka ayaa u qornaa “Muddo dheer ayay kala maqnaayeen dowladaha Eritrea iyo Jibouti waxay ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkooda mudada fog ay ugu danbeysay”

“Talaabo fiican ayey labada dal horay u qaaden waxan ku rajo weynahay inay kasoo baxaan qodobo rajo abuuri kara”.

Yemane Gebremeskal oo isna ah Wasiirka Warfaafinta wadanka Eritrea, ayaa qoraal uu kusoo daabacay Boggiisa Twitter-ka ayaa sheegay in Ismaaciil Cumar Geelle uu u muujiyay inay diyaar u yihiin in la gaaro dib u heshiisiin iyo in la wanaajiyo xiriirkii Jabuuti iyo Eretrea.

Cusmaan Saalax, oo ah Wasiirka arrimaha dibedda Eretrea, ayaa isna sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in ay heshiis taariikhi ah la gaarto dowlada Jabuuti.

Wasiir Cusmaan waxa uu intaa raaciyay in maslaxada labada dal ay tahay in xal loo helo muranka ka dhex oogan isla markaana loo gudbo wada shaqeyn iyo abuurida xiriir wanaagsan.

Sidoo kale, Maxamuud Cali Yuusuf oo isna ah Wasiirka arrimaha dibedda dalka Jabuuti, ayaa sheegay inay ka run sheegayaan in ay muujinta heshiis dhab ah oo ay gaaraan Dalkiisa iyo Eretrea.

Wasiirrada ayaa markii uu dhamaaday kulankii ay ku lahaayeen xarunta wasaaradda arrimaha dibadda, waxay booqasho sharafeed mar labaad ugu tagayaan madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Si kastaba ha ahaatee, kulanka u dhexeeyay Wasiirada ayaa muujinaaya isku soo dhawaanshi iyo in labada dalba ay diyaar u yihiin inay wada qaatan Heshiis dhaxal gal ah.

Natiijada wadahadalka ayaa lagu wadaa in ugu danbeyntii ay kusoo idlaato Isfahan, waxaana lagu wadaa la filayaa in labada dalba ay dib isugu celiyaan dhulalka iyo maxaabiista ay kala heystaan.

Geesta kale, kulanka ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Eritrea, Itoobiya, iyo Soomaaliya, iyo dalka martida loo ahaa Jabuuti, ayaa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed kooban oo si taxadar leh loo dhigay hadallada ku qoran.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com