Qaar ka mid ah mas’uuliyiin ay DF a u xirtay kiis musuq maasuq oo la sii daayey

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyey n damaanad lagu sii daayay Laba xubnood oo ka mid ahaa Lix qof oo arrimo musuq maasuq loo xiray 18-kii bishii ina dhaaftay.

Sii deynta xubnahan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii dadaalo dheer ay sameeyeen Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda federaalka Somaliya.

Labada qof ee maanta la sii daaayay ayaa waxa ay kala yihiin Nadar Maalin oo aheyd ku-xigeenka kastmka canshuuraha dekadda magaalada Muqdisho iyo nin kale oo lagu magacaabo Muuse Rooble.

Weli waxaa xabsiga dhexe ee Xamar ku xiran madaxa kastamka canshuuraha dekadda Muqdisho Axmed Cabdullaahi Samow iyo Saddex xubnood oo kale, kuwaasi oo isku mar lala xiray xubnaha maanta la sii daayay.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa waxa ay u xiran yihiin arrimo la xiriira musuq maasuq, dowladda Soomaaliya ayaa xoogga saartay sidii dabagal loogu sameyn lahaa xubnaha musuq maasuqa ku kaca.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com .