Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 6-aad kulankiisa 14-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 146-xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo Akhrinta Koowaad ee Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.
Ugu horeyn Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiija Maxamed AlMakhzoumi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka u faahfaahisay Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Caruurta iyo qodobada uu ka kooban yahay.
Xildhibaanadda Golaha ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan mabaadii’da guud iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo, maadaamaa uu maanta akhrinta koowaad uu marayay.
Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa isla maanta akhrinta koowaad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.
Waxaa warbixinta akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedkan Golaha la wadaagay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud.
Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa faray guddiyadda ku shaqada leh labada hindise in ay soo diyaariyaan akhrinta labaad dibna ay Golaha ugu soo celiyaan si looga doodo.

