27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Muxuu XASAN SHEEKH ku faa’iiday, mucaaradkuna ay ku jahwareersan yihiin?

Bookmark
Bookmarked

Share

Laba kal oo hore oo Xasan Sheekh uu doorasho dadban ku guuleystay axsaab laguma galin doorashada, haddana guushiisa waxaa sabab u ahaa inuu xisbiyo siyaasadeed dhistay. Xilli laga daalay hoggaamiye kooxeedyo oo wadaaddadiina tijaabadii ugu horreysay ku fashilmeen ayuu isku duway aqoonyahanno, ururrada bulshada rayidka ah iyo ururradii diinta kuwoodii maskaxda furnaa, kadibna ku mideeyay Xibigii Nabadda iyo Horumarka 2011, taas oo keentay inuu ku guuleysto doorashadii 2012.  

Markii qandhada kacaameyntu gaartay halkii ugu dambeysay oo hormuudkii siyaasadda, ganacsatada iyo aqoonyahannadii la jaanqaadi waayeen maamulkii Farmaajo, qof walbana u baqay jirtaankiisa, ayuu mar kale Xasan Sheekh dhisay xisbi ay soo hoos galeen xildhibaannadii Mucaaradka ahaa, dowlad goboleedyadii khatarka dareemay iyo wixii ka haray kooxdiisii siyaasadeed, waxa uuna sidaas ku unkay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimuqaraaddiyadda 2018, kaas oo la aaminsan yahay inuu sababay dib ugu soo laabashadiisii Villa Somalia 2022.  

Labada doorasho ee Xasan ku guuleystay midna ma ahayn doorasho nidaam xisbiyo lagu galay, tan hadda soo socotana uma muuqato in xisbiyo tartami doonaan, balse waa xeelad uu Xasan fagaarayaasha ka sheego laakiin siyaasiyiintu aysan dhugan oo ah “Siyaasaddu waa abaabulnaan”.  

Xirfadaha siyaasadda ka baxsan ee Xasan leeyahay sida maamulka, dhismaha hay’adaha, abaabulka iyo maareynta xasaradaha oo uu kasbaday 50kii sano ee uu waxbarashada, cilmi baarista iyo siyaasadda uu ku soo jiray, ayaa tustay inuu mar walbo Nidaam hay’adeed dhexda uga jiro oo uu ku gaaro hadafkiisa oo dadka ku xeeran u arkaan inay qeyb ka yihiin nidaam, guushiisana ay ku xiran tahay guushooda, waana xirfad uu la kali yahay marka la barbar dhigo musharraxiinta kale ee labada jeer uu ka guuleystay. 

Afartaan arrimood ayaa sal u ah sababta nidaamka xisbigu muhiim u yahay iyadoo ugu dambeyn doorasho dadban la aadi doono.

  • Kamid ahaanshaha xisbigu waa ballan diiwaan gashan oo siyaasiga kamid ka ah damiir ahaan ka reebeysa inuu kaamam kale ka qaraabto ama laba bogleeyo.
  • Xisbiga waxa uu isku heyn karaa kooxo iyaga is diiddan, balse Xasan wada oggol.
  • Waa nidaam hay’adeed oo sahlaya maamulka mashruuca ololaha doorashada, sida miisaaniyadda iyo nidaaminta howlaha ololaha.
  • Waa meel lagu soo jiito dhallinyarada siyaaasada daneynaaya oo looga faa’ideysto awooddooda si bilaash ah, taas oo qeyb weyn ka qaadata sida bulshadu u arkeyso musharraxa.

“ Fikradda xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka waxay ku caddahaday halheyska xisbiga oo ah “Dantu waa Wadjirka” oo ka dhigan in xubanaha Golaha Wasiirrada oo xildhibaanno u badan, madaxda saddex dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Somaliland oo wadajira ku guuleysan karaan muddo xileed kale, haddii doorasho dadban lagu laabto, taas oo ka dhigan in xubanha baarlamaanka Soomaaliya madaxweynaha dooranaya oo 330 ah uu ka helayo 231, halka isu geynta Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubalad tahay 99 cod, taas oo xisaab ahaan muujineysa in 70% uu xisbiga madaxweynaha xaqiijin karo codka baarlamaanka. Waa riyadii Farmaajo ee Mahdi Guuleed kol hore kor u sheegay isagoo yiri “Wareegga Koowaad ayaan ku guuleysaneynaa”.

Habdhaqankii cusbaa ee madaxweynuhu uga baaqsaday caadadii soo jireenka ahayd ee taqalusidda madaxda dowlad Goboleedyada, muddo kordhintii loo sameeyay saddexda dowlad Goboleed iyo u bandhigidda dib usoo laabashadooda, waxay iyagana ku qasbi kartaa inuu Xasan noqodo xulashada kaliya ee ay hubaan marka la barbardhigo masharaxiinta bannaanka jooga oo aysan garaneynin waxa ay kala kulmi karaan haddii ay Villa Somalia yimaadaan.

Farsamo ahaan, kamid noqoshada Guudlaawe, Lafta gareen iyo Qoor qoor ee xisbiga waxay sharciyad siineysaa in xildhibaannada ka soo baxaya saddexda dowlad Goboleed ka yimaadaan gudaha xisbiga taas oo madaxweynaha siineysa damaanad ah in xildhibaanno uu hubo inay u codeynayaan ku soo baxaan iyadoo la marayo hab wadar oggol ah oo loo hoggaansamayo sharci hoosaadka xisbiga.

PDP, UPD iyo JSP marka laga yimaado midabka cagaaran ee astaanta u ah iyo Xasan Sheekh, ma jirin wax ay wadaagaan ee dhamaantood waxay ku saleysnaayeen xal u helidda xaalad markaas taagnayd.

Cadaadiska beesha caalamka, xaaladda ammaan, diidmada Puntland iyo Jubland waa arrimo ku filan in doorasho dadban lagu laabto, balse su’aasha ayaa ah mucaaradku ma u diyaarsan yihiin in ay wajahaan isbaheysiga “ Wadajirku waa guusha”, sidee ayeyse ula tartami doonaan qorshaha Xasan ee kulansaday Riyadii Farmaajo, farsamadii Deni ku soo laabtay iyo mintidnimada Xasan Sheekh ee qaangaartay?.

Xigasho: Waraabhinta Dawan

- Advertisement -

Read more

Local News