Washington (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa weli wajahaysa hubanti la’aan ku saabsan dib u cusboonaysiinta maal-gelinta Maraykanku siiyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo muhiim u ah nabadgalyada dalka. Arrintan ayaa si weyn looga dooday kulan uu yeeshay Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Sare ee Maraykanka oo diiradda saaray xaaladda Geeska Afrika iyo dalalka ku lugta leh Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa tusaale ahaan si weyn u kordhisay saameynteeda Soomaaliya. Waxay ka dhistay Muqdisho saldhig ciidan iyo safaaraddeedii ugu weynayd caalamka. Waxaa intaas dheer, Turkigu wuxuu dhowaan geeyey dalka diyaarado aan duuliye wadin iyo boqolaal askari oo ka qeyb qaadanaya dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Sidoo kale, shirkado Turkish ah ayaa hadda maamula dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo dowladda Ankara ay heshiis la saxiixatay Soomaaliya si ay uga caawiso horumarinta kheyraadka shidaalka.
Dhinaca kale, Imaaraadka Carabta ayaa door muhiim ah ka ciyaaraya gobolka, waxayna tababarayaan ciidamo ka tirsan maamulka Puntland, iyagoo sidoo kale hormuud ka ah ballaarinta dekedda Berbera ee Somaliland.
Joshua Meservey, oo ah khabiir sare oo ka tirsan machadka Hudson isla markaana khibrad u leh Geeska Afrika, ayaa guddiga uga digay in faragelinta quwadaha shisheeye — gaar ahaan Shiinaha, Iran iyo Ruushka — ay si cad u muujinayso khatarta uu Maraykanku wajihi karo haddii uusan si firfircoon oo xeel dheer uga qaybqaadan arrimaha gobolka.
Maraykanka ayaa sheegay in qaabka maalgelinta ee hadda lagu taliyey, sida qaab-dhismeedka “2719,” aanu ku habboonayn xaaladda Soomaaliya. Halkii laga sii wadi lahaa hannaan dhaqameedyo hore, Washington waxay ku baaqday in la baadho habab cusub oo maaliyadeed oo ka madax bannaan deeq-bixiyeyaasha caadiga ah. Wararka ayaa sheegaya in madaxda Guddiga Midowga Afrika ay qorsheynayaan safar ay ku tagaan Washington si ay arrintan ugala xaajoodaan saraakiisha Maraykanka.
Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii la baajiyey shir deeq-bixiyeyaasha ah oo lagu waday inuu ka dhaco Doha, Qatar. Lama oga in arrintan maalgelinta lagu soo qaadi doono inta uu socdo booqashada la filayo ee Madaxweyne Donald Trump ku tegi lahaa Qatar.
Dhibaatooyinka jira ayaa sii xumaaday, iyadoo guddigu uu sidoo kale maqlay in kooxda Al-Shabaab ay dib u qabsatay dhulal hore looga saaray. Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho ayaa weli la daalaa-dhacaysa musuqmaasuq iyo dhibaatooyin xagga maamulka ah. Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in Al-Shabaab ay weli leedahay awood iyo ujeedo ay ku beegsan karto danaha Maraykanka.
Meservey wuxuu soo jeediyay in Maraykanku beddelo istaraatiijiyaddiisa, isagoo ku taliyay in si toos ah loola shaqeeyo dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed iyo hay’adaha maxalliga ah ee sharciyeysan, saaxiibtinimo muujinaya, kana karti badan si loo wiiqo Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in lala shaqeeyo waddamada deriska ah ee daneeya amniga Soomaaliya.
“Dhisidda dawlad dhexe xooggan oo ka hanaqaada Soomaaliya waa tijaabo guuldarro ku dhammaatay,” ayuu yiri Meservey. “Qabiilku weli waa tiirka ugu weyn ee bulshada Soomaaliyeed, taasina waxay ka dhigeysaa in dowlad dhexe adag aysan shaqayn karin. Si kastaba ha ahaatee, Washington waxay in ka badan toban sano ku bixinaysay dhisidda nidaam noocaas ah oo ku saleysan Muqdisho.”
Senator James Risch, oo ah guddoomiyaha guddiga, ayaa raaciyay dareenkaas isagoo xusay in rabshadaha ka socda Soomaaliya, Suudaan iyo Itoobiya ay khalkhal gelinayaan gobolka oo dhan, taasoo abuureysa fursad ay ka faa’iidaystaan kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab, ISIS iyo Xuutiyiinta.
Wuxuu dhaleeceeyay sida Maraykanku uga falceliyay khilaafaadkaas afartii sano ee la soo dhaafay, isagoo ku tilmaamay mid kala firdhisan oo aan lahayn qorshe mideysan, wuxuuna ku baaqay in la qaato istiraatiijiyad cad oo mideysan.
Senator Pete Ricketts ayaa isaguna ka digay xiriirka sii xoogeysanaya ee Xuutiyiinta iyo Iran, isagoo sheegay in ay suuragal tahay xiriir cusub oo ay Xuutiyiintu la yeeshaan Al-Shabaab iyo ISIS gudaha Soomaaliya.
Wuxuu uga digay in haddii aan si dhab ah loo wajahin, xiriirradaasi ay sii wiiqi karaan xasilloonida gobolka, khatarna ku keeni karaan marin-biyoodka ganacsiga caalamiga ah, taageerana siin karaan maleeshiyaad kale, taasoo halis weyn ku noqon karta danaha Maraykanka ee qaaradda Afrika.
“Waa dhibaato dhab ah,” ayuu yiri Meservey. “Kenyaanku waxay sheegaan in hanjabaadda ugu weyn ee amniga qarankooda tahay Al-Shabaab — gaar ahaan haddii ay helaan diyaarado aan duuliye lahayn oo casri ah oo uga yimaada Xuutiyiinta, ama ay helaan awood dheeraad ah oo teknolojiyadeed.”