28.8 C
Mogadishu
Friday, April 24, 2026

Duqeyn culus oo ka dhacday Aadan Yabaal iyo ciidamada oo kaabiga ku haya

Bookmark
Bookmarked

Share

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helaaa khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gudaha degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno hoos yimaada ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Duqeynta oo ahayd bartimaameed ayaa waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa aagga Aadan Yabaal, waxaana lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta sidoo kale lala helay gaadiid ay la socdeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo gurmad ahaan uga soo baxay deegaanka Ceel Cali Axmed, iyaga oo kusoo socday dhanka degmada Aadan Yabaal, si ay xoojiyaan Al-Shabaabka kale ee ku sugan halkaasi.

Sida ay ogaatan Caasimada Online, laba gantaal ayaa lala helay kolonyada Al-Shabaab ee kasoo baxay Ceel Cali Axmed, waxaana gadiidka qaar saarnaa rasaas, kuwaas oo gebi ahaan goota ku basbeelay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in duleedka Aadan Yabaal ay haatan ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleyda oo doonaya inay guluf ku qaadan degmadaasi, si ay uga saaraan kooxda Al-Shabaab, waxayna hadda kaabiga ku hayaan degmadaas oo ay dhowaan dib ula wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana lasoo warinayaa in Al-Shabaab ay haatan dareemayaan culeyskii ugu xooganaa, waxaana sababay dagaallada ku qabsaday gobolka Hiiraan oo lagu jabiyay Khawaarijta.

Dagaalkii u dambeeyay oo ka dhacday xadka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa Axaddii Shalay lagu laayay ku dhowaad 100 Shabaab, sida ay sheegtay dowladda dhexe.

“Geesiyaasha deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa hawlgallo socday ku dhawaad 48 saacadood ku dilay in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyagoo sidoo kale cadowga ka furtey hub aad u badan,” ayaa lagu yiri lagu yiri war kasoo baxay dowladda.

Labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxaa dhacay dagaal la isku riiqmay, hoggaamiyihii ciidanka deegaanka ee Macawiisleyda Xawaadle Cabdi Guumey ayaa ka mid ah geesiyaasha ku shahiiday dagaalkaas, sidoo kale tobanaan askari ayaa uga dhimatay ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanka.

Kooxda Al-Shabaab oo la isugu daray weerarro toos ah, iska caabinta weerarro ay soo qaadeen iyo weerarro jid gal ah ayaa lagu laayey soohdinta labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxaana hadda la isla gaaray aagga Al-kowsar iyo Aadan-yabaal oo caawa Al-Shabaab ka qaxayaan.

- Advertisement -

Read more

Local News