Maxaa looga hadlay kulankii Xasan iyo Geelle? + Sawirro

Doha (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la qaatay madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wada qeyb-galayeen Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya oo ku qabsoontay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.

Kulankan ayaa waxay labada madaxweyne kaga wada-hadleen mideynta mawaaqifta labada dal ee fagaareyashan, si loo xaqiijiyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo Jabuuti.

Labada Madaxweyne ayaa sidoo kale waxay kulankooda ku lafa-guray sidii arrintaas loo xaqiijin lahaa, iyada oo mudnaanta la siinayo horumarka iyo xasilloonida gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galay furitaanka sirweynihii 5-aad ee Qaramada Midoobay, oo looga hadlayo caqabadaha haysta dalalka soo koraya iyo sidii loo caawin lahaa, ayaa sidoo kale waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamin Bin Xamad.

Labada mas’uul ayaa kulankooda kaga wada-hadlay aayaha xiriirka labada waddan iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar

Sidoo kale Madaxweyne Xasan iyo Amiir Tamiim ayaa isla gartay dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee ay dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya, kuwaas oo lagu tageerayo dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyey sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweynayaan cid kasta oo garab istaagaysa.

Amiirka daka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey kasoo qeyb-galka Madasha QM ee dalalka soo koraya wuxuuna xusay sida ay dowladdiisa uga go’an tahay garab istaagga dowladda Soomaaliya.