Xasan Sheekh oo baaq deg deg ah u diray caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladaha abaarta iyo cunto yarida ee ka jirta gudaha Soomaaliya, taasi oo sii adkeeysay saamaynta isbadalka cimilada.

Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in mushkiladani u baahan tahay jawaab caalami ah oo deg deg ah, taasi oo ugu baaqay beesha caalamka, si la isugu dubarido si ka fiican sidii hore oo loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeena.

“Waxaa caqabadaha na haysta sii adkeeyey saamaynta isbaddalka cimillada oo ka sii daray xaaladaha abaarta iyo cunto yarida. Waxa ay mushkiladdani u baahan tahay jawaab caalami ah oo degdeg ah la isuguna dubbarriday si ka fiican sidii hore, si loo dhimo isla markaasna loola qabsado saamaynta isbaddalka cimilada isla markaana loo xaqiijiyo in la badbaadiyo nolosha iyo hab nololeedka dadka kuwooda ugu nugul ee ku nool dalkeenna.”

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay Madasha 5-aad ee QM ee dalalka soo koraya ee ka qabsoomtay magaalada Doha ee dalka Qatar ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in safmarkii COVID-19 uu si culus u sameeyay Soomaaliya, taasi oo soo banaanka keentay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam lagu badbaadin karo bulshada si loola tacaalo saamynta mushkiladaha caalamiga ah ee mustaqbalka.

“Sidaas awgeed, waxa aan si aan daal lahayn uga shaqeyneynaa sidii aan ku kobcin lahayn dhaqaalaha, ku abuuri lahayn shaqooyin, sidoo kalena ku uruuri lahayn dakhliga gudaha, balse wali ma haysanno barnaamiyada badbaadada maaliyadeed ee bulshada ee dalalka kale ee horumaray ay haystaan.”

Waxa uu ka dhawaajiyay in sababaha ay Soomaaliya ula harjadayso sidii ay ku gaari lahayd horumar waara ay tahay dhaxalka colaad daba dheeraatay iyo xasillooni darro siyaasadeed.

Balse waxa uu sheegay madaxweynaha in hadda si guul leh u xallinayaan labadooda, iyada oo loo marayo wadada wada-hadal iyo iyo geeddi-socod dowlad dhis loo dhan yahay.

“Waxaan sidoo kale si wadajir ah oo saamayn leh ula dagaallamaynaa haraaga ugu dambeeya ee argagaxisada caalamiga ah ee joogta Soomaaliya, annagoo la kaashanayna shacabkeenna iyo bahwadaagta caalamiga ah.”