Sawirro: Sarkaal sare oo Shabaab ah iyo ilaaladiisii oo iska dhiibay degmada…

Baxdo (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in maanta ay degaan hoos taga degmada Baxdo iska dhiibeen sarkaal Shabaab ah iyo laba dagaalame oo ilaalo u ahaa.

Sarkaalkaan ka soo goostay Al-Shabaab oo la sheegay inuu door-weyn ku lahaa dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan Galmudug ayaa lagu magacaabaa Xasan Jabal.

Guddoomiyaha degmada Baxdo Maxamed Cabdulaahi oo xogta raggaan siiyey warbaahinta dowladda ayaa yiri “Horjooge Xasan Warsame Cabdiraxmaan (Jabal) iyo labo maleeshiyo ah oo la socota ayaa isku dhiibay Ciidamada deegaanka ee ka dagaalamaya bariga Gobalka Galguduud.”

Guddoomayaha Baxdo ayaa intaas ku sii daray, “Horjoogahaan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka u ahaa Khawaarijta ka dagaalamaysa Galmudug, waxaana ay qeyb ka yihiin tiro Maleyshiyaad ah oo maalmihii la soo dhaafay si isdaba joog ah uga soo baxayay safka Khawaarijta.”

Kooxda Al-Shabaab ayaa si joogto ah isaga dhiibta deegaanada Galmudug, maadaama dagaal culus uu uga furan yahay dhankaas, sidoo kale waxaa kooxda halkaas ku heysta go’doon adag oo dowladdu ay gelisay.

Dagaalka tooska ah ee koonfurta gobolka Mudug uga socda kooxda AL-Shabaab, waxaa u dheer go’doon la saaray guud ahaan inta ay ka joogaan Galmudug, gaar ahaan deegaanada uu dagaalku ka socdo ee gobolka Mudug iyo bariga gobolka Galgaduud oo Al-Shabaab ay ka joogaan magaalooyin ay ugu weyn tahay Ceelbuur.

Inkastoo maalmahaan uu gaabis ku yimid dagaalkii ku socday kooxda, hadana waxaa lasoo werinayaa inay u dul-qaada la’yihiin go’doonka iyo nolol xumada ku heysata deegaanada ay ku joogaan Galmudug, waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay isisoo dhiibay dhowr dagaalame.

Waxaa xusid mudan in kooxda A-Shabaab ay horay ka toogato kii ay ku ogaato inuu ka goosa rabo, waxaana todobaadyadii lasoo dhaafay fagaare lagu toogtay dagaalyahano qorsheynaayey inay ka goostaan Al-Shabaab oo dowladda isku dhiibaan, si ay nolol u helaan.

#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title
#image_title