Faahfaahin: Hoobiyeyaal caawa lagu gaarac Muqdisho iyo goobihii ay ku dhaceen

Muqdisho (Caasimada Online) – Jugta ugu yaraan laba hoobiye ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, waxaana goobihii ay ku dhaceen laga helayaa faahfaahino hor dhac ah.

Mid ka mid ah labada Hoobiye ayaa ku dhacay School Jabuuti oo u dhow isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho oo kala qeybiya dhowr degmo.

Hoobiyaha labaad ayaa ku dhacay dugsi Qur’aan ku yaalla degmada Kaaraan, labadaan hoobiye ee caawa ku soo dhacay waqooyiga Muqdisho, weli si rasmi ah looma oga inta uu la egyahay khasaaraha ay geysteen.

Magaalada Muqdisho inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa ku garaacda hoobiyeyaal aan laheyn wax bartilmaameed ah, waxayna dhiibaato si joogto ah uga soo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxaba galabsan.

Qoriga hoobiyaha wuxuu leeyahay cabir lagu qiyaasi karo goobta ay ku dhaceyso xabadda laga rido, sidoo kale waxaa la qiyaasi karaa cabirka goobaha laga soo rido, maadaama lagu xisaabiyo kiilo mitir.

Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ku guul-dareystay inay soo qabtaan Shabaab-ka hoobiyaha ka soo rida gudaha ama daafaha magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan bishii laba mar ayaa shacabka Muqdisho lagu soo weeraraa qoriga hoobiyaha oo si indha la’aan ah ay u soo riddo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isaga habsadaa guryo ay leeyihiin dad shacab ah, maadaama ay aad u kooban yihiin xarumaha dowladda.

Kooxda Al-Shabaab markii ay hoobiyaha ku disho dad shacab ah, waxay ku faantaa inay beegsatay saraakiil iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan, taas oo xaqiiqada ka fog.

Dadka reer Muqdisho oo dhibaagto badan kala kulmay ayaa aad uga cabsada kooxda Al-Shabaab, inta badana ma dhacdo inay iska qabtaan kooxdaan markii ay fal-dembiyeedka geysaneyso ama laamaha ammaanka ay ku war-geliyaan.

Cabsida shacabka Muqdisho waxay dheereysay cirmriga Al-Shabaab iyo beegsiga ay ku hayaan malaayiinta qof ee ku nool gobolka Banaadir, sidoo kale dowladu weli ma fahmin xeeladaha kooxda, waxayna ugu dambeyn u bixisay magac quus u muuqda oo ah ‘Garanwaa.’