Maxaa looga hadlay kulankii u dambeeyay ee Jaamac iyo Catriona Laing? + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan sagootin ah la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Ms. Catriona Laing.

Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray ka miro-dhalinta dadaallada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka kooxda Al-Shabaab, oo xilligaan maraya marxalad xasaasi ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu Ergeyga kala hadlay qorshaha ay ciidamada qaranka ay mas’uuliyadda amniga dalka ugala wareegayaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

Kulanka Wasiirka iyo Ergeyga ayaa waxa kale oo lagu gorfeeyay muhiimada kaalinta Qaramada Midoobay ee taageerada dib u dhiska ciidamada iyo guud ahaan xasilloonida Soomaaliya.

Marqo Catriona Laing oo dhawaan ka bixi doonta Soomaaliya kadib markii lasoo gaabiyay mudadii howl-galkeeda Muqdisho ayaa waxay sidoo kale maanta kulamo gaar gaar ah la yeelatay madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Kulamadan ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay oo ay Catriona Laing la yeelaneyso madax goboleedyada, waxaana u jeedkooda lagu sheegay sagootin, maadaama ay ka tageyso xafiiska.

Catriona Lainga ayaa soo gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, sida uu baahiyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Bishii May ee sanadkii tegay ee 2023-ka unbay aheyd markii loo magacaabay xilkaan.