Maxaa sabab u ah go’aanka xildhibaanada kutlada NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada diiday inay shahaadaqaataan kuma koobna kaliya kuwa maamulka Koonfur Galbeed, oo uu ka hor-istaagay madaxweyne goboleedkooda Cabdicasiis Lafta-gareen.

Waxaa jira xildhibaanno kale oo si iskood ah u go’aansaday inaysan shahaadada qaadan, waxaana xildhibaanadaas ka mid ah kuwa loo yaqaan kutlada NISA, oo horey u ahaa saraakiil ka tirsan sirdoonka balse hadda isu rogay xildhibaano. 

Xildhibaanadaas ayaa waxaa ugu caansan taliyaha NISA eek u-meel gaarka ah Yaasiin Farey iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo loo yaqaanno Kulane Jiis, iyo saraakiil kale oo xilal hoose haya.

Haddaba maxaa sabab u ah go’aankooda? 

Cabdisalaan Guuleed, oo ah taliye ku-xigeenkii hore ee hay’adda NISA kana faallooda arrimaha amniga, ayaa sheegay in arintaas siyaabo kala duwan loo fasiran karo, balse tan ugu weyn ee laga eegi karo ay tahay ina la duubteen Fahad Yaasin oo sida uu sheegay gacan weyn ku lahaa inay baarlamaanka ka mid noqdaan. 

“Maaddaama isagu uu sababta ugu weyn ee xildhibaannimadooda lahaa, haddii ay noqoto kharash, garab iyo soo xulistoodaba, waa wax la filan karo inay la xanaaqsanaadaan amaba la xannibnaadaan, lagana yaababa inaysan xor u ahayn inay shahaadada qataaan,” ayuu yiri. 

Tirada xildhibaannada cusub ee NISA ka tirsan ayaa lagu qiyaasaa 20, waxaase jira kuwo aanan muuqan oo aan la aqoon. 

Xildhibaannadan ma aysan ka hadlin arrintan, mar aan isku daynay inaan la xiriirnana nooma aysna suurtogelin. 

Go’aankooda ma mid la mahdiyaa?

In xildhibaanada aysan shahaadada qaadan waxay ka dhigan tahay taageero ka maqan madaxweyne Farmaajo, haddii go’aankoodu sii socdo illaa doorashada, waxaana codkodoa weyn kara shaqsiyaadka u ordaya guddoonka baarlamanka ee raacsan Villa Somalia, ama madaxweyne Farmaajo haddii go’aanku sii fogaado. 

Si kastaba, saameynta maqnaanshaha codkooda ayaa waxaa hoos u dhigay xildhibaanada maqan ee Koonfur Galbeed, kuwaas oo sida muuqata la’aantood aanay doorasho ka dhici doonin xarunta baarlamanka.

Si kastaba, haddii xildhibaanada Koonfur Galbeed lasoo xiro geliyo, laguna sii dhegnaado Fahad, waxaa kutlada NISA qabsan doonta laba darran mid dooro oo ah; inay Fahad soo cidleeyaan ama in codkooda qiimo beelo.