Guddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka HIIRAAN oo caawa la dilay

Beledweyne (Caasimada Online) – Allaha ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay guddoomiyihii hore ee waxbarashada maamulka gobolka Hiiraan Cusmaan Caato.

Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Dhagaxjebis ee magaalada Beledweyne, waxaana goobta isaga baxsaday kooxdii bistooladaha ku hubeysneed ee dishay guddoomiyaha.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala magaalada Beledweyne ayaa caawa xaafado badan oo ka tirsan magaalada ka bilaabay howlgallo lagu baacsanayo kooxdii dilka geysatay.

Allaha u naxariistee Cusmaan Caato ayaa seddax bilood ka hor laga qaaday xilkii guddoomiyaha waxbarashada ee maamulka gobolka Hiiraan.

Sidoo kale dadka yaqaanay Cusmaan waxay ku tilmaameen inuu ahaa nin aqoonyahan ah oo caan ka ahaa gobolka Hiiraan, waxayna mudooyinkaan dadka reer Beledweyne dareemayaan amni darro xoog leh.