Guddoonka baarlamaankii dhacay oo war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka baarlamaankii 11-aad, Cabdikariim Cabdi Buux ayaa caawa soo saaray fariin war-gelin ah oo ku socota xildhibaanada cusub ee baarlamaanka 11-aad.

Fariintaan ayaa xildhibaanada loogu sheegay inay 9:30 AM oo barqanimo isugu yimaadaan dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

“Beri hadii ilaahay yiraahdo xildhibaanka oo wata aqoonsigiisaa waxuu imaanayaa  akadamiyada tababarka Ciidanka Booliska ee Generaal Kaahiye (police academy) saacadu markay tahay 9:30 aroornimo.”

Xildhibaanada ayaa lagu war-geliyey in halkaas basas looga qaadayo, si loo geeyo teendhada Afisyooni oo dhaarintu ay ka dhaceyso, sidoo kale gaadiidka iyo ilaalada ayaa loo sheegay xildhibaanada inay uga taganayaan gudaha Jeneraal Kaahiye.

“Halkaa ayaa basas looga qaadayaa Xildhibaanada oo lagu geynayaa Teendhada Afasiyooni oo ah goobta xaflada dhaarintu ka dhacayso. Baabuurtiina iyo askartiin waxaa uga tageysaan barxada Dusiga tababarka Booliska ee Genaral Kaahiye,” ayaa lagu yiri war-gelintaan.

Sidoo kale xildhibaanada degan gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa lagu war-geliyey in saacadaas ay yimaadaan saldhiga garoonka, halkaas oo ayagana loogu diyaariyey gaadiidkii qaadi lahaa oo lagu geyn lahaa xarunta ay dhaarintu ka dhaceyso ee Afisyooni.

Khamiista berri oo ku beegan 14-ka bisha ayaa loo balansan yahay dhaarinta xildhibaanada cusub ee dowladda federaalka, waxaana xusid mudan in weli aysan Muqdisho imaan xubnihii laga soo doortay Koonfur Galbeed, kuwaas oo ku maqan khilaaf ka dhashay seddax kursi oo natiijadooda la diiday.

Sidoo kale waxaan weli shahaadooyinkii xubinimada qaadan xubnaha sida weyn u taageersan Fahad Yaasiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Khadiija Diiriye, Yaasiin Farey, Cabdullahi Kullane iyo xubno kale, waxayna ku gorgortamayaan in loo fasaxo kursiga Fahad Yaasiin.