Daawo: Go’aan rasmi ah oo laga soo saaray kuraastii laga xayiray Koonfur Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed, sida lagu shaaciyey shir jaraa’id oo Baydhaba ay ku qabteen xubnihii guddiga ee maanta tegay.

Sidoo kale guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda. 

“Waxaan umadda Soomaaliyeed u sheegeynaa in xubnaha baarlamaanka ka soo galay Koonfur Galbeed ay toos u tegi doonaan Muqdisho iyo goobta dhaarinta, kadib markii ay qaataan shahaadooyinka xubinimada,” ayaa lagu yiri warbixintii guddiga.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in markii ay maanta Baydhaba tageen ay bilaabeen maaritaanka hanaankii lagu soo doortay labada kursi ee caawa ay fasaxeen, sidoo kalena kursiga kale ay go’aamiyeen in doorashadiisa lagu noqdo.

Xubno ka tirsan guddiga doorashooyinka oo guddoomiye Muuse Gelle uu hoggaaminayo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tegay xal u helida khilaafkii ka dhashay natiijada kuraastaas.

Hoos ka daawo