Maxaa sababay dagaalka ciidamada CC SAHKUUR iyo Kulane ee Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhexeeyey ciidamo kala taabacsan musharrixiinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdullaahi Aadan Kulane oo ku sugan Dhuusamareeb.

Iska hor imaadka oo xalay ka dhacay gudaha magaalada ayaa waxaa ka hadashay dowlad goboleedka Galmudug oo digniin culus u dirtay musharixiinta ciidamada la tegay halkaasi.

Taliyaha saldhigga booliska Dhuusamareeb, Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame oo la hadlay wariyeyaasha ayaa ka hadlay is-rasaaseynta dhex-martay labada dhinac, inkastoo uusan shaacin khasaaraha ka dhashay, balse wuxuu tilmaamay in la xiray askarta dirirtay

Gaashaanle Maxamed Aadan Warsame ayaa sidoo kale xusay in dagaalka uu ka billowday tuhun la xiriira Telefoono la dhacay, balse si dhaqso ah loo xalliyey.

“Saraakiisha ciidamada khilaafku dhex maray ayaa kala dhexgalay ciidamada ka wada tirsan dowladda ee shaqaaqada dhexmartay, waxaana lagu xirey saldhigga booliska askarta bilaabay fowdada,”ayuu yiri taliyaha saldhigga booliska ee magaalada Dhuusamareeb.

Ugu dambeyn wuxuu digniin adag u diray musharixiinta ciidamada la tegay caasimada Galmudugm wuxuuna la tilmaamay in aan la aqbali doonin falkasta oo dhaawacya amniga.

Si kastaba Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u tartamaya kursiga HOP#138, halka  Cabdullaahi Aadan Kulane  loo xiray kursiga HOP#40. labadaan kursi ayaa waxaa doorashadooda la qaban doonaan 14-ka bishan Febraayo oo ku beegan Isniinta.