Maxaa sababay dib u dhaca ku yimid doorashooyinka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Cirro oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka dalka ee 2021-ka, kaas oo dhigayey in ugu dambeyn maanta oo ku beegan 10-ka October la soo doorto madaxeynaha cusub ee Soomaaliya.

Cirro ayaa sheegay in caqabado is-biirsaday ay keeneen dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashooyinka, wuxuuna tilmaamay in khilaafyada siyaasadeed ay qeyb ka yihiin waxyaabaha keenay dib u dhacyada doorashada ku yimid, sida uu hadalka u dhigay.

“Doorashadu maadaama ay xargo badan leedahay oo meelo kala duwan ay ku kala xiran tahay waxaa laga yaabaa in meelayowgaas kala duwan oo inta badan guddiyada ka baxsan oo culeysyo ah ama siyaasadeed ha’ahaado ama mid dhaqaale waxyaabo is biirsaday ayey noqon karaan,” ayuu wareysiga lala yeeshay ku yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Sidoo kal wuxuu intaasi ku daray in ka guddi ahaan ay rajo wanaagsan ka qabaan in doorashada golaha shacabka shacabka ay ku dhacdo 50-ka maalmood ee loo qabtay, ayna filayaan in toddobaadkan la xareeyo ergooyinkii soo xuli lahaa xildhibaannada aqalka hoose.

Guddoomiyaha ayaa xusay in doorashada golahan ay ka duwan tahay mida aqalka sare, isla-markaana ergo metalaya qabaa’ilada ay soo xuli doonaan xildhibaanada cusub.

“Golaha shacabka qabaa’ilbaa iska leh marar badana waan sheegay in qabaa’ilku aysan is gacan bidixeyn oo la kala ilaaliyo, la’iskuna ilaaliyo waa waxyaabaha ay guddiyada u jiraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dadban.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey inay heleen dhaqaalihii ay ka sugayeen beesha caalamka ee loogu tala-galay in lagu socod siiyo qabsoomida doorashooyinka baarlamaaniga ah.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyadoo doorashada Somalia ay aad uga daahday waqtigii lagu heshiiyey in la qabto, waxaana loo sababeynayaa is jiid-jiidka siyaasadeed ee jira.