Daawo: Xiisadda ururka Ahlu-Sunna iyo GALMUDUG oo laga soo saaray shan qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyarada aqoonyahanka ah ee beesha degta magaaooyinka Gurceel iyo Dhuusamareeb ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa soo saaray baaq ka kooban shan qodob, iyagoo fariin u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo hoggaanka xoogagga Ahlu-Sunna.

Warqadda ay xaaladda ka taagan deegaanadaas ka soo saareen dhalinyada aqoonyahanka ah ee ku sugan Muqdisho oo ogeysiis ka heysata Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa walaac xoog leh looga muujiyey dhibaatada ka dhalan karta saan-saanta colaadeed ee Galmudug ay cagaha la gashay.

Waxay sheegeen in dadkii reer Gurceel ay ka barakeen magaalada oo ay istaagtay noloshii aas-aasiga aheyd ee bulshada, iyagoo cadeeyey in midnimada Galmudug ay u arkaan lama taabtaan.

Madaxda dowladda federaalka ayey ugu baaqeen inay deg deg u farageliso xaaladda sii cakirmeysa ee Galmudug, si looga baaqsado isku dhacyo hubeysan iyo xaalado bini’aadanimo oo ka dhasha.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayey ugu baaqeen in maamulkiisu uu ka baaqsado wax kasta oo uga sii dari kara xaaladda colaadeed ee ka taagan Gurceel.

Dhalinyaradaan ayaa maamulka Qoor Qoor ka dalbatay inuu fursad siiyo waan-waanta iyo wadahadallada socda, si looga baaqsado dagaal iyo dhiig ku daato oo ka dhaca Galmudug.

Dhanka kale ururka Ahlu-Sunna ayey dhalinyaradaan ka dalbatay in wadahadal ay ku raadiyaan wax kasta oo ay ka tabanayaan, isla markaana ogolaadaan maamulkii sharciga ahaa oo ka arriminaayey deegaanada ay qabsadeen.

Hoos ka daawo