Somaliland oo shaacisay cidda ay u aqoonsan tahay inay yihiin muwaadiniinteeda

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa shaaca ka qaaday cidda ay Somaliland u aqoonsan tahay muwaadin, xilli ay qeylo-dhaan ka timid in dadkii laga soo masaafuriyey Laascaanood ay ku jireen kuwa ku dhashay magaalada oo weligood aan tegin meel kale oo dalka ka mid ah. 

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in dadkii 1960 iyo kahor dagaana Somaliland iyo wixii ka farcamay oo kaliya ay muwaadiniin yihiin sida uu sheegayo, buu yiri, dastuurka Somaliland.

“Dagaal baa laynagu soo qaaday inagu lixdankii dal baynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan lasoo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horeeyay daganaa, horta, Walawayntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, oo siyaasadeed.

Waxa uu intaas ku daray in dagaalka lagu soo qaaday Somaliland uu ka horreeyey arrinta Laascaanood, wuxuuna tusaael usoo qaatay dooddii ka dhalatay dugsiga Abaarso.

“Maalma dhawayd oo dhan waxay ku mashquulsanaayeen iskuul keena Abaarso, imikana, waxay ku mashquulsanyihiin Laascaanood, waxayba ka dhigteen wado lagu doorto in ay yidhaahdaan ‘dalku waa Soomaali, aloore waa Soomaali’, wuxu ku leeyayay ‘Faysal caruurtiisa iyo caruurtoodu waa habra wadaage xagay kala tagayaan’, waxaan u sheegaya in caruurtayda qaar Jarmal ah habro wadaag yihiin,” ayuu yidhi Faysal.