Wararkii ugu dambeeyey QARAX ka dhacay Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka qarax nooca miinada ah uu ka dhacay gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun kumeel gaar u sii ah dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xaafadda Farjano, gaar ahaan guri uu degan yahay sarkaal ka tirsan nabad-sugida Jubbaland, sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uusan geysan wax khasaare ah, isla-markaana uu ka dhacay albaabka guriga uu degan yahay sarkaalkaas oo aan weli magaciisa la shaacin.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Jubbaland oo howl-gallo kooban ka sameeyey agagaarka meesha ay wax ka dhaceen, balse ma jiro illaa iyo wax faah faahin ah oo ay saraakiisha amniga ka bixiyeen qaraxaasi iyo howl-galka xigay.

Xaaladda ayaa hadda ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku soo noqday dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen, kadib baaritaano kooban oo ay sameeyeen ciidanka Jubaland.

Kismaayo ayaa waxaa muddooyinkii la soo dhaafay ka dhacayey falal amaan dari oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorsheysan oo qaarkood ay fulisay kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garowgii ugu dambeeyey doorashooyinka, waxaana la filayaa in dhowaan lagu qabto doorashada afar kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan kuwa ka imaanaya maamulka Jubbaland.