Xoogaagga Tigray-ga oo ka hadlay tallaabada uu Abiy qaaday iyo dagaalka cusub

Mekele (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda federaalka Ethiopia iyo xulufadooda ayaa billaabay weerar cir iyo dhul ah oo ay ku qaadayaan gobolka Amhara, oo qeybo ka mid ah ay haystaan ciidamada Tigray-ga.

Afhayeen u hadlay Jabhadda Tigray-ga ee TPLF ayaa maanta xaqiijiyey inuu jiro dhaq-dhaqaaq xooggan oo ka dhan ciidamadooda.

Warbixinadan ayaa yimid maalmo kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Ahmed loo dhaariyey muddo xileed cusub Isniintii, isaga oo wacad ku maray inuu difaaci doono “sharafta Ethiopia,” xilli sii kordheyso cambaareyn caalami ah oo loo jeedinayo dagaalka 11 bilood jirsaday ee waqooyiga dalkaas.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa sheegay in weerarada ay illaa hadda yihiin “duqeymo cirka oo ay fulinayaan drone iyo madaafiicda artillariga.”

Getachew ayaa sidoo kale sheegay in “kumanaan askari lasoo dhoobay” waqooyiga gobolka Amhara, oo ay ku jiraan aagga Gondar iyo Waqooyiga Wollo. 

“Waxaan ku kalsoonnahay inaan iska caabin doonno weerarka iyo jiho kasta oo nalaga soo weeraro. Waxaan ku taagnaan cago adag illaaa qabsashada nalaga qaado,” ayuu yiri.

Weerarada ayaa ka dhacay dhowr goobood oo ku yaalla gobolka Amhara Khamiistii iyo Jimcihii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo la hadlay wakaaladda wararka AFP, ayada oo ay sii kordhayaan wararka ku saabsan in dowladda ay qaadeyso dagaal culus oo ka dhan ah Tigray-ga. 

Dagaalka Tigray ayaa billowday November 2020, markaasi oo ciidamada Abiy ay deg deg ku qabsadeen gobolka. Hase yeeshee, Tigrayga ayaa soo rogaal celiyey oo dib u qabsaday caasimada gobolka ee Mekele, dabayaaqadii June. 

Dagaalka ayaa wixii markaas ka dambeeyey ku fiday gobollada Amhara iyo Afar, wuxuuna dhaliyey wax ay QM ugu yeertay “musiibo bani’aadaminimo,” ayada oo boqolaal kun oo qof ay wajahayaan xaalad macluul ah. 

Waxaa jira warar sheegaya in dagaal culus uu hadda dib u qarxi karo maadaama uu dhamaaday xilli roobaadka, waxaana dalka oo dhan, gaar ahaan gobolka Amhara ka socda ciidan urursi.