Halistii ugu xooganeyd oo soo wajahday xukunka Erdogan kadib markii loo heshiiyey

Istanbul (Caasimada Online) – Lix xisbi oo mucaarad ah ayaa sare u qaadaya wada-shaqeyntooda si ay xukunka uga tuuraan madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa AKP, doorashada dhaceysa 2023.

Madaxweyne Erdogan ayaa markii horeba wajahayey cadaadis ayada oo codadka ra’yiga ay muujinayaa inay sii wiiqmeyso taageerada shacabka ee isbaheysigiisa xukunka haya. 

Ayaga oo ballaarinaya wada-shaqeyntii ka caawisay inay dhaawac ku gaarsiiyaan madaxweyne Erdogan doorashooyinkii dowladaha hoose ee 2019, ayaa xisbiyada waxay kulan kale qabteen Talaadadii, waxayna qorsheynayaan kulamo toddobaadle ah, si ay isugu raacaan mabaad’i kahor dhammaadka sanadkan.

“Mucaaradka Turkey waxay isku dayayaan wax aan horey la isugu dayin: In si mideysan loo wajaho dowladda,” waxaa sidaas yiri Murat Yetkin, oo ah fallanqeeye siyaasadeed.

Taageerada dowladda Erdogan ayaa hoos ugu dhacday sababo la xiriira sida ay ula tacaaleyso dhibaatooyinka dhaqaale ee dalka sida sare u kaca shaqo la’aanta iyo sicir bararka, cudurka COVID-19 iyo dab ka kacay kaymaha dalka. 

Ra’yi ururin la sameeyey ayaa muujineysa in taageerada xisbiga AKP ay tahay 31-33%, taasi oo aad uga hooseysa codadkii uu xisbiga ka helay doorashooyinka baarlamanka ee 2018 oo aheyd 42.6%, halka xisbiga xulufada la ah ee MHP ay taageeradiisa tahay 8-9%, taasi oo ka yar heerkii 2018 ee 11%. 

Wada-hadallada mucaaradka ayaa ujeedkoodu yahay in lagu helo mabaadi’ ay wadaagaan, intii ay isku raaci lahaayeen musharax madaxweyne, ayada oo hadafka uu yahay in meesha laga saaro nidaamka madaxweyne ee la billaabay 2018, laguna laabto nidaamka baarlaman. 

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga CHP, Muharrem Erkek oo ka qeyb-galay wada-hadallada ayaa sheegay in nidaamka madaxweyne uu qar ka tuuray Turkey, oo uu awoodo badan geliyey gacanta madaxa dowladda. 

“Xaaladda shacabka waxay kusii xumaaneysaa nidaamkan halka shaqsi ah. Xoojinta awoodda baarlamanka waxay soo celin doontaa kalsoonidooda,” ayuu yiri.

Hase yeeshee ku-xigeenka madaxa AKP Bulent Uran ayaa ku gacan seeray wada-hadalladan ku saabsan soo celinta nidaamka baarlamaaniga, isaga oo sheegay in nidaamka cusub uu shaqeeyey, islamarkaana yareeyey xasillooni darradii siyaasadeed.

Isbaheysiga ay sameysteen xisbiga midigta fog ee IYI iyo bidix-dhexe ee CHP ayaaa 2019 horseeday in xisbiga Erdogan ee AKP looga adkaado doorashooyinkii magaalooyinka Istanbul iyo Ankara, taasi oo meesha ka saartay fikraddii aheyd in Erdogan aan laga adkaan karin.

Isbaheysiga ayaa waxaa  hadda kusoo biiray xisbiga Future Party ee ra’iisul wasaarihii hore Ahmet Davutoglu oo xulufo la ahaan jiray Erdogan iyo xisbiga Deva Party ee wasiirkii hore ee dhaqaalaha Ali Babacan.