Maxaa sababay guul-darradii uu FARMAAJO kala kulmay doorashadii Afisyoone?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii kuraasta Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ayaa maanta lagu soo geba-gebeeyey teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu doortay 11 Senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee Soomalaiya.

Doorashadaas ayaa inta badan looga adkaaday murashaxiinta Aqalka Sare ee uu taageerayey madaxweyne Farmaajo, ayada oo ay soo baxeen kuwa badan oo ay kasoo horjeeda sida Cusmaan Abuukar Dubbe, iyo Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar.

Ku-xigeenkii hore ee xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya, Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar ayaa ayaa sheegay in sababta guul-darrada Farmaajo ay tahay ayada oo meesha ay ka baxday awoodii Villa Somalia kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu diiday faro-gelin hal dhinac ah oo ka dhacda doorashooyinka.

“Qorshe ayey diyaarsadeen (Villa Somalia) laakiin taasi bedelkeeda waxaa ka hortagay Ra’iisul Wasaaraha oo jideeyay hanaanka daah-furnaanta, waxaana dhamaatay hebel baa i wata,” ayuu yiri Garyaqaan Dr. Mukhtaar Nuur Abuukar.

“Dariishada laga wada baxay anagaa wax wadana iyo waa nala wata waa dhamaatay, madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday waxa uu mar walba ku haminayey in marwalba uu soo saarto xubno uu isku haleyn karo oo ku xisaabtami karo, waxaa’se meesha ka saaray go’aanka Ra’iisul Wasaaraha.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada gobollada Waqooyi ay muddo badan ka dhaqaaqi weyday Villa Somalia iyo xubno taabacsan, ayada oo ugu dambeyntii laga adkaaday, sida uu sheegay.

Hadalkaan ayaa imanaya xili ay Villa Somalia ku hungoowday dagaal adag oo ay la gashay xubno ay kamid yihii Prof Cabdi Ismaaciil Samatar iyo Wasiir Dubbe oo ayagu ku soo baxay doorashadii shalay, waxayna taasi ka dhigan tahay in dagaalka lagaga adkaaday madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaada.