Faroole oo weerar culus ku qaaday xukuumadda Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihi hore maamul goboleedka Puntland, Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa xukuumadda Siciid Deni iyo dowladda hoose ee Garoowe ku eedeyay waxqabad la’aan baahsan.

Faroole ayaa sheegay in xukuumadda Deni ay ka gaabisay daboolida baahiyaha bulshada maamulkaas, asaga oo tusaale u soo qaatay duufaan kal hore ka dhacday degmada Eyl ee gobolka Nugaal.

Waxa uu sheegay in dowladda hoose ee Garoowe ay qorsheynayso inay dib u soo celiso Cagaf degmadaas la geeyay xili uu tagayay madaxweyne Deni, aysan dan ka laheyn wado xumada iyo xaalada ka taagan degmadaas.

“Eyl duufaan ayaa ka dhacday 7-dii December hal qof ma tagin, Xildhibaan, Wasiir iyo wax u dhaqaaqay ma tagin, aniga oo yaaban ayaa tagay, welina kama soo kaban oo dhul duufaan, waxaa la ii sheegay in Cagaf geeyen si wadada u mariyaan xili uu imanayay Deni,” ayuu yiir.

“Cagaftaas maxaa loo geyn waayey maalinkii ay labada Eyl kala xirmeen, xagee maalinkaas jireen, waxaa u sheegaya Dowladda hoose ee Garoowe waa isku imaan doonaaye, Cagaftaas Eyl ayaa qaadatay ee xoghayihiina ceshada, halkaas ayuu oolaya, waxaa u sheegaya madaxweynaha iyo wasiirka dowladaha hoose Cagaftaas reer Eyl ayaa leh.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda Deni iyo maamulka dowladda hoose ee Garoowe ay ka gaabiyeen shaqadii loo igmaday, xili lagu wado in maamulkaas ka qabsoomto doorasho.