Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Ahlu-Sunna iyo Galmudug + Khasaaraha

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal xooggan oo maanta ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa maamulka Galmudug ku dhex-maray deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo hadda joogsaday, ayaa waxa uu markii hore ku billowday is-rasaasayn goos-goos ah, kadibna wuu sii xoogeystay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay waxay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu iskood ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca.

Xaalada guud ee deegaanka lagu dagaalamay ayaa hadda degan, waxaana ka taagan cabsi ah in markale uu dagaal ku dhexmaro sidii saaka ciidamada Ahlu-Sunna iyo kuwa Galmudug.

Hoggaanka Ahlu-Sunna ee horay looga saaray Galgaduud ayaa dib ugu laabtay ayaga oo sheegay inay ka qayb galayaan siyaar ka dhaceysay deegaanka Huurshe, ayada oo midaasi ay abuurtay xiisad dagaal, ayaga oo deegaankaas kaga dhawaaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.