Mahad Salaad oo war kasoo saaray dagaalka Galmudug iyo soo rogaal-celinta Ahlu-Suna

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad, oo baarlamanka Soomaaliya kasoo galay deegaanada Galmudug, ayaa ka hadlay dagaalka dib uga soo cusboonaaday halkaas ee u dhaxeeya ciidamada maamulka iyo kuwa Ahlu-Sunna.

Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Galmudug waxay leedahay maamul iyo madax la doortay. Ciidamada Qaranka iyo kuwa Galmudug oo furimo cadow ku furanyihiin kuwa dhabarka xabadda ka saaraya waa cadow dadka iyo dowladnimada Galmudug ku soo duulay waana waajib in gacan bir ah lagu qabto.”

Waxa uu intaas ku daray “Siyaasiinta maslaxada ka dhex raadinaya kala dhantaalidda iyo cuuryaaminta maamulka Galmudug waxaan ugu baaqayaa in ay ka waantoobaan. Guul ayaan u rajeynayaa reer Galmudug!”

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka Bohol oo waqooyi ka xigta magaalada Dhuusamareb ee gobolka Galgaduud, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Wararka laga helayo deegaanka Bohol ayaa sheegaya in dagaalkii uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba oo dhinacyada dagaalamay ah, waxayna xogtu sheegeysa in ugu yaraan 10 qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku dhinteen dagaalka, ayada oo dhaawacuna uu ka badan yahay 20 qof.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka uu iska istaagay, islamarkaana ay dhinacyadu iskood ugu kala tageen deegaanka Bohol, waxaana loo badinaya in lagu kala tagay qorax dhaca.

Dagaalka ayaa imanaya xilli madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu iska hilmaamay shaqadiisa, islamarkaana noqday fadhiid degan magaalada Muqdisho oo ka shaqeeya danaha madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo markii uu xukunka qabsaday Qoor Qoor waxaa xoogeystay weerarada Al-Shabaab ay ka fuliyaan deeganadaas, kuwaas oo laga nabad qabay muddadii ay Ahlu-Sunna joogtay, waxayna taasi dhalisay in Ahlu-Sunna mar kale ay taageero hesho.