Maxaa sababay in jabhado badan ay ka dillaacaan deegaanada Somaliland?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee xisbiga Ucid, Qaasim Sheekh Ibraahim Tubeec ayaa waxa uu maanta ka hadlay xiisadaha maalmihii u dambeeyay ka taagnaa gobolka Awdal, isagoona si adag uga hor-yimid ciidamo dheeriya oo xukuumada Biixi geysay gobolkaasi.

Qaasim ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey sababaha ka dambeeya Jabhadaha muddooyinkii dambe ka abuurmayey deegaanada Somaliland, ee ay ugu dambeysay Jabhadii ka dilaacday deegaanada Dila, ee ay dhowaan xogteedana baahisay Caasimada Online.

Guddoomiye kuxigeenka oo la hadlayey warbaahinta, ayaa waxa kale oo uu sheegay in maamul xumada xukuumada Biixi ay horseed u tahay in bulshadii ay ku fikirto inay abuuraan Jabhado ka dhana xukuumadiisa, wuxuuna yiri

“Waxaynu wada marag furaynaa magaalada Boorama gaar ahaan gobolka Awdal inuu dhulkii nabadda yahay in aanu u baahnayn maanta ciidamo la soo xoojiyo in aanu u baahnayn maanta dad aan furaynin in aanay rarin Somaliland”

“Xisbi ahaan waxaanu u arkaynaa, ciidankaasi ku farxi mayno hadaanu Ucid nahay, Kulmiyana ku farxmi maayo, Waddanina ku farxi maayo in dagaal laga abuuro meesha oo dagaal ka yimaado cidina ku farxi mayso, ciidankaasi fad-qalalo ayuunbuu soo wadaan ciidankaasi xeryahooda ha lagu celiyo”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Horta maamul xumada Muuse Waxay keentay in dadkii ku fikiraan jabhado, Dila jabhadi way jirtaa, tii Wabarna hada way soo noolaynaysaa oo way soo socotaa, waxaas oo dhami waa maamul xumada Muuse Biixi, reer Awdalna waxaa diyaar uma ahayn shuqulna kumay lahayn ee maamul xumada Muuse ayaa ku keentay”.

“Dhalinyaraduna intaas oo goor ayay kala xaajoodeen dhibaatadooda, way sheegeen waxaanay yidhaahdeen Hargeysaanu kaga soo jawaabi, markaa imika waxay ka aamin baxeen oo aanay aaminayn Odayaashoodii horjoogay ee salaadiintooda ah”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com