Maxaa u sabab ah in Axmed Madoobe uu si lama filaan ah ku baajiyo Safarkii uu ku tagi lahaa Dhuusamareeb?

Kismaayo (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ku dhawaaqay inuu baajiyay socdaal la filaayay inuu manta ku tago magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Madoobe oo laga sugaayay magaalada Dhuusamareeb ayaa saacadihii ugu danbeeyay baajiyay qorshihiisa safar, waxaana lagu waday in halkaa uu uga qeygalo shirka lagu soo xiraayo Heshiiska Galmudug iyo Ahlusunna.

Qoraal lagu daabacay beejka uu Axmed Madoobe ku leeyahay Facebook ayaa waxaa lagu shaaciyay baaqashada Hoagaamiye Axmed Madoobe oo laga sugaayay Dhuusamareeb.

Sidoo kale, waxa uu Hogaamiyaha sheegay inuu taageersan yahay Heshiiska Galmudug iyo Ahlusuna ee ka dhacaaya magaalada Dhuusamareeb.

Lama oga sababta rasmiga ah ee uu Axmed Madoobe u baajiyay safarkiisa magaalada Dhuusamareeb, wallow loo badinaayo inuu ka carooday talaabada C/weli Gaas loogu diiday diyaarad ka qaadi laheyd Gaalkacyo, kaddib markii la isku qabtay in baaritaan lagu sameeyo boorsooyinkii iyo agabkii uu watay.

Caasimada Online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com