Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Badda Soomaaliya Admiral Faarax Qarre, ayaa ka hadlay waxyaabaha sababay kororka ay maalmahaan sameynayaan kooxaha burcad badeeda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Hay’adda cilmi baarista badaha Soomaaliya Admiral Faarax Qarre, ayaa sheegay inay iska cadahay waxyaabaha dhalinyarada Soomaaliyeed ku qasbaya inay burcad baded noqdaan.
Taliyaha wuxuu sheegay inay soo laabteen waxyaabihii markii hore dhalinyarada Soomaaliyeed ku qasbay inay burcad badeed noqdaan, oo ay ugu horeyso in laga burburiyo agabkii ay lahaayeen oo ay ku kaluumeysanayeen.
Dhinaca kale wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay la xisaabtanto maraakiibta shisheeye ee kaluumeysiga Sharci darada ah sameynaya, si dhalinyarada ay u helaan kaluumeysi iyo suuq wanaagsan.
Wuxuu sidoo kale sheegay in looga baahan yahay dowladda inay shaqo abuur u sameysaa dhalinyarada ku kacaya falalka la xiriira burcad badeednimada, taasi oo yareyn doonta qataraha dhanka badda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]