26.8 C
Mogadishu
Saturday, March 14, 2026

Maxaa xaley ka dhacay KISMAAYO?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa xaley lagu soo rogay bandow xilligii habeenka kaddib markii ay ku soo bateen dilalka iyo qaraxyada.

Dad ku sugan magaalada ayaa ku soo warramayaa in magaalada xaley lagu arkay ciidamo badan, kuwaasoo howlo roondeen ah ka waday xaafadaha magaalada Kismaayo.

Dadka magaalada ayaa lagu amray in ay guryahooda joogaan, waxaana magaalada xaley oo dhan gaaf-wareegayay baabuurta dagaalka oo saaran yihiin ciidamada maamulka Jubba.

Ma ahan bandowgii ugu horeeyay oo ka dhaca magaalada Kismaayo, balse howlgaladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo qaraxyo iyo dilal ay ka dhaceen magaalada.

Dhinaca kale, wax-garadka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Axmed Madoobe ay ka dambeeyeen dilka nabaddoon shaley lagu dilay magaalada Kismaayo.

Maxamed Xasan Naaleeye oo ah afhayeen u hadlay odayaasha dhaqanka Kismaayo ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in ciidamo ay isku heeb yihiin Axmed Madoobe ay dileen Nabaddoon Gamadiid Nuur Siyaad.

Wuxuu sheegay in ciidamada dilay nabaddoonka la yaqaano oo ay magaalada joogaan, isagoona intaas ku daray in ay nasiibdaro tahay dowladda oo arrintaas waxbo ka qaban.

Afhayeenkan ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ay ka socdaan dilal lagu hayo dadka gaar ee magaalada iyo barakicin, waxaana arrintaas sameenaya ayuu yiri ciidamada Axmed Madoobe ee New Police.

Si kastaba, ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo ku aadan eedeenta loo jeediyay ciidamadooda.

Magaalada Kismaayo ayaa saakay caadi ah, waxaana dadka iyo gawaarida ay yihiin kuwa si caadi ah u adeegsanaya magaalada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News