Maxaa xiga dhammaadkii muddo xileedka BF Somalia?

Waxa dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ka taagnaa Soomaaliya muran siyaasadeed oo ku salaysan goorta iyo qaabka loo qabanayo doorashada baarlamanka iyo madaxtooyada Soomaaliya oo lagu waday in ay qabsoonto bilowga sannadka 2021.

Walow ay siyaasiyiin mucaarad ah oo musharaxiin u badani aad u durayeen xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay ku eedaynayeen in aanay ilaa haatan u heellanayn in ay si hufan u qabato doorashadaas, eeddaas oo ay si adag gaashaanka ugu daruurtay xukuumaddu ayaa waxa kale oo jira in maamul goboleedyada dalka qaarkood aanay weli soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa gudida doorashooyinka qaranka ee shirkii Dhuusamareeb la iskula meel dhigay in la dhiso.

Doodahaa iyo kala duwanaanshahaa aragtiyaha siyaasadeed oo weli taagan, ayaa haatanna waxa dhici karta in muran kale oo hor lihi bilaabmo. Sababtuna waxa weeyi in muddo xileedkii shacriga ahayd ee dastuurku u cayimay labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya 27 Diisember 2020 ku ekeyd.

Arintaas ayaa ah ta laga yaabo in dad badani wax iska weydiiyaan sida xalku noqon doono maadaama oo sida muuqata ay u badan tahay in doorashadii la filayey aanay ku qabsoomi doonin goortii lagu waday duruufaha jira awgood.

Waxa kale oo dhici karta in dad badan oo aan aad uga dheregsanayn qawaaniinta lagu dhisay baarlamanka iyo jaan goynta muddo xileedkiisuba ay su’aalo badan iska weydiin karaan sida wax noqonayaan iyo in uu baarlamanku sii shaqayn karo iyo in kale.

Arimahaas ayaa u baahan hubsiimo waafi ah si faham cad oo aan siyaasad ku dhisnayn shacabku uga helaan hannaanka arimahan loo furdaamin karo iyo aragtida sharci ee dastuurka ku salaysan ee xadidaysa muddo xileedka baarlamanka iyo waxa dhici kara mar hadii mudadii sharcigu u cayimay ay haatan dhamaatay.

Muddo xileedka dastuuriga ah ee baarlamanka Soomaaliya waa afar sannadood, waxaana sharcigu dhigayaa in marka gole xilka haya mudadiisu dhamaatoba la soo doorto kii bedeli lahaa.

Hadba su’aasha ugu weyn ee ka guuxaysa maaka qof kasta oo arimahan danaynaya ayaa ah: Ma sii shaqayn karaa baarlamanka Soomaaliya mar hadii muddo xileedkiisii dhamaatay? Maxaa xal ah hadii aan weli la qaban doorashadii baarlamanka oo aanu ilaa haatan jirin baarlamankii bedeli lahaa kan mudadiisii dhamaatay?

Su’aalahaas waxa ka jawaaba garyaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan, waxaanu yidhi:

“Baarlamaanka waa run wakhtigiisu maanta ayuu ku ekaa, laakiin waxaa jirta qodobka 60 dastuurka ku meel gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo hore u qorayey in mudada baarlamaanka inay ku eegtahay afar sannadood. Qodobkaasi wuxuu qorayey mudada xil haynta baarlamanka federaalka Soomaaliya waa afar sannadood, qodobkaasi Amendment baa lagu sameeyey baarlamaankaan baarlamaankii ka horeeyey baa wax ka bedelay iyadoo laga cararayey in meesha vacuum ama madhnaan soo baxdo. Waxaanay u bedeleen mudada baarlamaanku waa afar sano baarlamaankaana wuxuu shaqada sii haynayaa inta laga soo dooranayo baarlamaan kale. Marka baarlamaanka wakhtigiisii ma dhicin ilaa baarlamaan kale oo la soo doortay uu bedelo waxay ahaanayaan baarlamaan care-taker ah ama xil gaadhsiin ah.”

Hadaba kol hadii ay arintu sidaa tahay oo uu jiro qodobkaa dastuuriga ah ee wax laga bedelay ee dhigaya in baarlamankan haatan muddo xileedkiisii dhamaatay xilka sii haynayo, is weydiintu waxay tahay awood ma u leeyahay in baarlamankani sharciyo meel mariyo oo wixii xeerar ah ee ka soo baxaa noqdaan kuwo fulaya oo ay tahay in lagu dhaqmo?

Garyaqaan Cabdirisaaq Nuux Xasan ayaa su’aashaa ka jawaabaya waxaanu qabaa in ay jawaabta oo gaabani tahay haa, waxaanu ku sababeeyey sidatan:

“Haa, haa oo sida saxda ah ayay u shaqaynayaan. Xagee ku dhici kartaa baarlamaanna ahow shaqona ha qabanin? Wixii shaqo ah ee loo baahnaa way qabanayaan, hadii miisaaniyaddii aan weli la ansixin way ansixin, waxa alla wixii sharciyo ah ee horyaal oo qabyo u ah oo teeram inay ku soo dhameeyaan ahaa wixii u sii dhimanaa way dhamaystirayaan oo caadi bay u shaqaynayaan.”