Maxaa xigi doono xil ka qaadista R/Wasaare Kheyre?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa maanta sheegay inay kalsoonidii kala noqdeen Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre, isagoo ku eedeeyey inay ku fashilmatay hannaanka ku gaarista doorasho qof iyo cod ah, maqaamka caasimada, Afti u qaadida meel marinta Dastuurka, hirgelinta Axsaabta Siyaasadeed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa kale oo uu sheegay in dowladu ay awoodi weyday inay keento ciidamo hanta amniga, issagoo sheegay in 170 Xildhibaan ay ogolaadeen kalsooni kala noqoshadaas sidoo kalana ay ka hor imaadeen 8 Xildhibaan.

Haddaba Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah maxaa xigi doono xil ka qaadista Ra’isul Wasaare Kheyre kadib?

Dr. Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaliya ayaa qaba inay wax kasta ku xirnaan donaan sida Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu uga jawaabceliya arrintani.

“Haddii uu aqbalo inuu sidaas ku tago, una jihiista waddadii kale ee uu mari lahaa, waxaa laga yaabaa inay taasi fursad u siiso xukumaddu inay sii waddo gorgortankii ay ku jirtay. Balse haddii uu ka soo horjeestana, waxay noqon doontaa maadama aan maxkmad dastuuri ah jirin farogelin beesha caalamka ah in loo baahdo,” ayuu yiri Dr Bursaliid oo wareysii siiyay BBC-da.

Sidoo kale Dr. Bursaliid ayaa intaasi ku daray in arrintani ay mugdi hor leh gelin karto kulankii lagu ballansanaa in la isugu yimaada Dhuusamareeb laba isbuuc gudhaood si go’an looga gaara arrimaha doorashooyinka.

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa aqbalay kalsooni kala noqoshada xukuumada uu madaxda ka ahaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre kadib markii guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in la ridey xukuumada.

Madaxweynaha, oo la rumeysan yahay inuu kalain weyn ku lahaa xil-ka-qaadista Kheyre ayaa sheegay inuu si de deg ah u so magacaabi doono Ra’iisal wasaare cusub.