“Wixii maanta ka dhacay BF waa sharci darro, xukuumad la ridey majirto” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Xasan Yare “Firimbi” ayaa ka hadlay xil ka tuuristii Ra’iisal wasaare Kheyre ee uu maanta shaaciyay Guddoomiye Mursal, kadib kulankii ay isugu yimaadeen xildhibaanada Goluhu.

Xildhibaanka ayaa sheegay in mooshin rasmi ah aan la keenin Golaha oo ajendihii maanta lagu hoos qariyey arrintaasi, isla markaana uu Guddoomiye Mursal iskaga dhawaaqay natiijada uu ku shaaciyey xil ka tuuristii, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xildhibaan Firimbi ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadinta xukuumadda Kheyre, taasi oo uu ku macneeyay mid looga dan leeyahay muddo kororsi aan sharci aheyn.

Wuxuuna sheegay inaysan jirin xukuumad xilka laga tuuray, iyada oo daqiiqado kadib uu ayiday Madaxweyne Farmaajo go’aaanka kasoo baxay guddoonka Baarlamaanka.

Firimbi ayaa waxba kama jiraan ku sheegay tiradii uu guddoomiyuhu sheegay inay u codeeyen xil ka qaadista Kheyre, maadama uu buuq badan uu hadheeyay kulankii golahaasi.

Xil ka qaadista Kheyre ayaa banaanka keentay khilaafkii mudada badan huursanaa ee kala dhaxeeyay Madaxweynaha, kaasi oo ku qotomay qorshaha Villa Somalia ee muddo kororsiga.