Maxaad ka ogtahay afarta arrin ee weyn ee xujada ku ah Xasan iyo 4 uu dhameystiray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, nasiib iyo hibo hoggaamineed middii ay tahayba waa madaxweynaha ugu badan ee Soomaaliya ee loo diiwaan-geliyay inuu dhameystiray qadiyadihii ugu waaweyn dalka, tan iyo burburkii dowladdii dhexe 1991.

Dib ugu soo laabashadii xafiiska ee 15-kii May 2022 ayaa gacanta u galisay dhowr fayl oo uu isagu hore u bilaabay, qaarna ay kasii horreeyeen balse la dhameystiri waayay shantii sano ee uu ka maqna xukunka.

1 sano iyo 7 bilood oo uu xafiiska joogo muddo xileedkiisan cusub wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dhameystiray afar arrimood oo muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliya, waxaana hadda u dhiman afar kale oo iyaguna waaweyn oo dalka muhiim u ah.

Arrimaha uu dhameystiray waxaa kamid ah;

1. Ku biiristii East African Community

In lagu biiro dallada dhaqaalaha ee bulshada Bariga Afrika muddo ayay raadineysay Soomaaliya.

2. Cuna-qabateyntii hubka

32 sano waxaa Soomaaliya saarneyd cuna-qabateyn xagga hubka waana mida dalkeenna keentay argagixisada, markii dambena sababtay in laga adkaan waayo.

3. Xilka 2-aad ee ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD

Dowladda federaalka Soomaaliya waxay tan iyo 2014-kii raadineysay mid kamid ah xilalka ugu sarreeya urur-goboleedka IGAD, laakiin ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu kusoo guuleystay inuu Soomaaliya u keeno xilka labaad ee ugu sarreeya ururkaan oo loo magacaabey Maxamed Cabdi Waare.

4. Deyn cafinta

Dalkaan ku yaalla Geeska Afrika ayaa laga cafiyay lacag ku dhow 5 bilyan oo dollar oo lagu lahaa ku dhowaad lixdan sano.

Xasan Sheekh oo isagu bilaabay ololaha deyn cafinta ayaa haddana nasiib u yeeshay inuu dhameystiro.

Afartaas qodob ee waaweyn waa afarta uu dhameystiray madaxweyne Xasan Sheekh, waxaase hadda hortaalla afar arrimood oo kale oo iyaguna dalka iyo dowladnimada muhiim u ah.

Afarta dhiman ee qabyada ah ayaa kala ah;

1. La-dagaalanka argagixisada

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu kal xukunkiisi hore 32 degmo ka saaray argagixisada, halka uu kal xukunkiisa labaad uu ka saaray in ka badan 70 goobood oo ay ku jiraan degmooyin ay kamid yihiin Ceeldheer, Xarardheere, Aadan Yabaal iyo kuwa kale.

Laakiin sidaas oo ay tahay weli argagixisada waa nooshahay oo waxay dhibaateynaysa dad Soomaaliyeed. Shaqada ugu weyn ee hadda hortaalla madaxweyne Xasan Sheekh waa inuu dalka dhaafiyo argagixisada.

2. Dhameystirka Dastuurka

Dalka wuxuu tan iyo 2012-kii ku shaqeynayaa dastuur qabyo ah oo kumeel-gaar ah. Inuu dalka yeesho dastuur rasmi ah, heshiis lagu yahay, waafaqsan shareecada islaamka waa arrin aad loogu baahan yahay, waana shaqada labaad ee ugu weyn ee u taalla madaxweyne Xasan Sheekh.

3. Midnimada

Labadii cisho ee lasoo dhaafay madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shir uga socday magaalada Jabuuti ee waddanka Jabuuti, waxaana ugu dambeyn dib loo bilaabay wada-hadalladii dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

In dib loo soo celiyo midnimadii dalka oo la qanciyo Somaliland waa arrin si weyn loogu taamayay muddo soddan sano ka badan.

Waa mid kamid ah howlaha la rabo in Xasan Sheekh ka miro-dhaliyo ama meel fiican uu soo gaarsiiyo inta uu joogo xukunka.

4. Maqaamka Caasimada

Midda afaraad ee madaxweyne Xasan Sheekh u dhiman waa maqaamka caasimada.

In ka badan afar milyan oo qof oo Soomaali ah oo bixiya 100% canshuurta ay dowladda ka hesho gudaha dalka ayaa laheyn maamul ay doortaan iyo metelaad siyaasadeed toona, taasi oo marar badan lagu cel-celiyay inay tahay wax aan la aqbali karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu ballan-qaaday haddii uu dib ugu soo laabto xafiiska inuu Muqdisho u sameyn doono maqaam gaar ah, waana arrin kale oo kamid ah qodobada waaweyn ee weli laga sugayo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh.

Afarta qodob ee hore hal sano iyo lix bilood ayay ku qaadatay madaxweynaha inuu dhameystiro, afarta dambena weli waa qabyo waana looga fadhiya maadaama uu weli xukunka joogo.