Ujeedada Abiy Ahmed ugu yeeray Muuse Biixi + Sawirro

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayey ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa maanta halkaasi uga bilaabantay booqasho rasmi ah kadib markii uu u yeeray oo uu marti-qaaday Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa madaarka caalamiga ah ee Bole International Airport ku soo dhaweeyey ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Ethiopia Demeke Mekonnen iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Ethiopia.

Soo dhawaynta Muuse Biixi oo hab-maamuuskeedu ahaa mid aad u sareeya ayaa qadar nasasho ah kadib waxaa loo galbiyey qasriga madaxtooyada oo madaxweynaha la dejiyey looguna sameeyey hadhimo sharafeed.

Safarka Muuse Biixi ee Ethiopia ayaa wuxuu kusoo aadaya kadib un maalmo markii ay dalka Jabuuti heshiis hordhac ah ku gaareen dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasi oo dib loogu bilaabayo wada-hadallada labada dhinac.

Sidoo kale waxa uu imaanaya safarkiisa Addis Ababa, ayada oo Abiy uu weli ku dhagan yahay qorshaha helitaanka bad ee Ethiopia, uuna si cad u muujiyay damaciisa Saylac.

Si kastaba, waxaa safarkaan Biixi ku wehliya wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo eayniska, qorshaynta iyo horumarinta qaranka, horumarinta maaliyadda, ku-xigeenka ganacsiga iyo dalxiiska, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah uu dalka Ethiopia kaga sii horeeyo wafdiga iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalkaasi.