Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.
Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka iyo dhammaan xubnaha guddiga joogtada ah.
Guddoomiyeyaasha guddiyada ayaa waxay soo bandhigeen warbixino ku aadan shaqada guddiyada iyo hindise sharciyeed-yada ay diyaariyeen una baahan in la horkeeno Golaha si loo marsiiyo dariiqa loogu talagalay.
Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ayaa aad uga dooday ajandeyaal muhiim u ah fadhiga Golaha Shacabka.
Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in guddiyada Golaha Shacabka ay hayaan shaqooyin muhiim u ah qaranka, islamarkaana laga rabo in ay laba jibaaraan howlaha horyaala, isagoo faray shuruucda ay gacanta ku hayaan inay soo dhameystiraan.
Kulankaan ayaa imanaya xilli uu jiro guux xooggan oo la xiriira qorshaha uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh ee heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya.
Sidoo kale waxaa dhawaan baaqday kulan dhex-mari lahaa madaxweyne Xasan Sheekh, guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo looga hadli lahaa arrimahaan.
Maalmo kahor ayay aheyd markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta kala ah Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Kheyre, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiqaadir Cosoble Cali ay ku kulmeen Muqdisho.
Dhinacyada ayaa markaas isla qaatay in ay la kulmaan guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo qorshuhu ahaa in sidoo kale lala wadaago sida ugu haboon ee loo jiheyn karo arrimaha saameynaya dastuurka.
Balse kulankaasi ayaa baaqday, xilli dhinacyada isla qaateen in la sii wado doodaha oo sidoo kale lagu soo biiriyo siyaasiyiinta kale.