Puntland oo maanta ku dhawaaqeysa go’aan saameyn weyn ku yeelanaya SSC

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa maanta la filayaa in lagu dhawaaqo liiska xubnaha Golaha Wakiilada ee maamulka Puntland, xilli ay maamulka ka taagan tahay dood la xiriirta go’aankii SSC-Khaatumo.

Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa weligii ahaa 66 xubnood, sida ugu qoran dastuurka. Sidoo kale waxay Sool ku qoran tahay dastuurka Puntland, oo ah inay maamulkaas ka tirsan tahay.

Waxba lagam bedelin sharciyan illaa hadda in baarlamaanka Puntland uu yahay 66 xubnood, ayada oo reer Khaatumo diideen soo xulista 17 xildhibaan, iyaga oo ku dhowaaqay ka bixitaankooda Puntland.

Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland ayaa maanta lagu wadaa inay shaaciyaan liiska xildhibaanada baarlamaanka cusub ee maamulka.

Waxaa maanta dhacay baarlamaankii Puntland ee soo saari lahaa habraaca 49 Xildhibaan, dhinaca kalena waxaa lagu dhowaaqaya liiska Xildhibaannada cusub

Arrinta sida weyn isha loogu wada hayo waa cadadka ay noqon doonaan Xildhibaannada cusub ee Puntland, taasi oo jawaab u ah reer Khaatumo.

Guddiga xallinta khilaafaadka maamulka ayaa shalay isku khilaafay in liiska xubnaha SSC lagu soo daro shaacinta, ayada oo xubnaha qaarkood ku taliyeen in laga reebo liiska inta heshiis laga gaarayo.

Haddii 66 Xildhibaan la shaaciyo waxay ka dhigan tahay in Puntland qaadacday inay marxaladaan fasaxdo Khaatumo, halka haddii 49 Xildhibaan la shaaciyana ay ka dhigan tahay in labada maamul ay toos u kala guranayaan.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkaysanaya in doorashada maamulka lagu galo sidii hore, islamarkaana aan waxba laga badali doonin siday u dhisneyd illaa amar dambe, taasi oo ka dhigan in 66 xubnood lagu gali doono doorashada.

Deni ayaa wuxuu guddiga gacanta ku haya howshaan ku cadaadinayaa inay xubnaha SSC kusoo daraan shaacinta liiska, xilli SSC-Khaatumo ay meel adag iska taagtay ka qeyb noqoshada doorashada maamulka Puntland.

Si kastaba, Arrintaan ayaa isha lagu wada hayaa, ayada oo musharaxiinta qaar ee u taagan xilka madaxtinimada Puntland ay aaminsan yihiin in 66 xubnood laga boodi karin, oo lagu qasban yahay si dastuurka iyo jiritaanka maamulka loo ilaaliyo.