Wada-hadallada Xasan iyo Muuse Biixi oo shaki horleh ka abuuray SOMALILAND

Jabuuti (Caasimada Online) – Wada-hadalladii Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ayaa dhawaan laga soo saaray war-murtiyeed si buuxda miiska ugu soo celiyay dooddii midnimada.

Qoraalka shirka oo 8 qodob ka koobna ayaa xambaarsana saddex ujeedo, wuxuusa u qornaa si ka dabacsan sidii looga bartay wada-hadalladii hore ee labada dhinac.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markale qaatay doorka dhex-dhexaadinta. Saddexda ujeedo ee ugu waaweyn war-murtiyeedka ayaa kala ah;

  1. In si buuxda wada-hadalladii u bilowdeen, oo hadda kadib toos ay shaqooyinka u socon doonaan.
  2. In aan waqti dambe la lumin oo toos looga wada-hadli doono arrimaha masiiriga ah. Masiirka ugu weyn ee meesha yaalla waa “midnimo ama kala tag”. Markii hore waxaa waqtiga looga lumin jiray labada bulsho wada-hadal maalayacni ah, hadda mowduuca weyn ayaa toos loo aadi doona.
  3. In guud ahaan la soo celiyo wada-shaqooyinkii, si gaar ah kuwii amniga iyo dhamaan cilaaqaadyada dabacsan. Muddo bil gudaheed ah ayaa la jeexi doona habka loo shaqeynayo, iyada oo la dhisi doono guddiyo.

Intaas waa nuxurka warqadda ku qoran, laakiin xogaha dheeriga ah ee shirka waxay sheegayaan in Muuse Biixi Cabdi uu ka dhawaa intii hore.

Iyada oo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay rabto dhameystirka dastuurka iyo qabashada doorasho iyo cod ah, ayaa dhinaca kale waxaa caqabadaha jira kamid ah maqnaashaha Somaliland.

Waxaa si hordhac ah loo soo dusiyay in wada-hadalkii Jabuuti uu ahaa kii ay Somaliland ugu dabacsaneyd uguna daacadsaneyd, iyada oo Muqdisho marar badan muujisay inay wax badan uga tanaasuli karto Hargeysa si dib loogu soo celiyo midnimada.

Durba shaki ayey inta qarsoon ee wada-hadallada ka abuureen Hargeysa. Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan wuxuu sheegay in qoraalkii kasoo baxay shirkii Jabuuti inuu ahaa mid hoos u dhigaya Somaliland.

Wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin waxkasta oo mugdi galinaya sida uu yiri qarannimada Somaliland. Tuhun weyn ayaa Hargeysa yaalla maanta.

Inuu Muuse Biixi Cabdi wada-hadal dabacsan galo waxay dadka qaar aaminsan yihiin inay keeneen duruufaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ay maanta dhex jiifto Somaliland, kuwaasi oo xitaa aan maanta haysan niyad wanaagii beesha caalamka.

Halka dadka qaar ay qabaan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu miiska geeyay tanaasul, niyad wanaag iyo fulinta shuruudo waaweyn, haddii Somaliland dib usoo laabenyso taasi oo qaboojisay kuleylkii dhanka Somaliland.

Si walba, dadka ka faalloonaya wada-hadallada dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, waxay sheegayaan in xalka uu intii hore ka dhow yahay marka la eego xeeladaha Xasan Sheekh, xaalka uu ku sugan yahay Muuse Biixi iyo sida ay u naafoowday fikradii ictiraafka.

Inay wada-hadallada ku bilowdeen heer sidaan u dabacsan oo ogolaansho badani ay ka muuqato, waxay madaxweyne Xasan Sheekh u tahay fursad kale oo naadir ah oo xoojinaysa rajooyinka laga qabo xukunkiisa.