Maxaad ka ogtahay dagaalka yaabka leh ee Sacuudiga iyo Iran ku dhex-maraya Yurub?

Roskilde (Caasimada Online) – Maxkamad ku taalla magaaladda Roskilde ee dalka Denmark ayaa toddoba sano oo xabsi ah ku xukuntay nin heysta dhalashadda dalalka Iran iyo Norway, kaasi oo lagu helay inuu basaasayay, isla markaana uu qorsheynayay inuu dilo dad Iran kasoo jeda oo xiriir la leh Sacuudiga, xilli loolanka u dhexeeya dalalkan ku hardamaya Bariga Dhexe uu ku faafay Qaaradda Yurub.

Maxamed Davoudzadeh Loloei waxaa sanadkii 2018-kii loo xiray in uu basaasayay seddax nin oo u dhashay dalka Iran, kuwaas dibed joog ka ah dalkoodii, kuna nool Denmark, waxayna sheegteen ragaas in weerar dhimasho ay ka geysteen Iran. Maxamed waxaa uu akhbaarta ragaas u gudbin jiray madaxda iyo Sirdoonka dalka Iran.

Ragga uu ninkaan bartilmaameed sanayay waxaa iyagana lagu xiray dalka Denmark horraantii sanadkaan, waxaana lagu eedeeyay in ay Sacuudiga u basaasayeen. Waxay sheegteen in aysan dambi lahayn.

Jimcihii, ayaa Maxkamad ku taalla magaalada Roskilde waxay Davoudzadeh ku heshay dembi, kadib billo ay socotay dacwad qaadis dheer.

Xukunsanahu waxaa uu racfaan u qaadan doonaa Maxkamadda Sare ee Denmark, sida uu sheegay qareenka difaacayay. Xeer-ilaalinta ayaa xukunka waxay ku tilmaantay mid taariikhi ah.

Safaaradaha dalalka Iran iyo Sacuudigu ay ku leeyihiin Copenhagen ayaa diiday in ay arrintaan ka hadlaan.

Dowladda Iran toos ugama aysan hadlin eedeymaha loo jeediyay. Laakiin markii sanadkii lasoo dhaafay Midowga Europe uu cune-qabateyn kusoo rogay wasaaradda sirdoonka Iran oo lagu eedeeyay inay shirqool ka qorsheysay gudaha dalalka Netherlands, France, iyo Denmark, ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda Javad Zarif waxaa uu seddaxda wadan ku eedeyay inay argagixisada qarinayaan.

“Muddo 14 sano ah Booliiska dowladda Denmark waxay ilaalinayeen koox dad ah, iyagoo ka war qaba in ay argagixiso yihiin,” ayuu maxkamadda ka sheegay xukunsane Maxamed Davoudzadeh.

Iran iyo Sacuudiga ayaa ku tartamaya hoggaanka Bariga Dhexe, waxayna isku adeegsan jireen ururro hubeysan oo ay isku weerari jireen gobolka dhexdiisa – laga soo bilaabo dalalka Yemen iyo Lubnaan. Fadhiyadda maatanaha ah ee maxkamadda kasoo muuqaneysa Europe waxay muujineysaa in labada dal ay tartankoodi ka rarayaan Bariga Dhexe, isla markaana Isku qabsanayaan gudaha qaaradda Yurub, iyagoo is basaasaya, is shirqoolaya, isuna adeegsanaya argagixisada, taasi oo khatar gelin karta xiriirka diblamaasiyadeed ee muhiimka u ah labada Dowladood.

Markii bishan June la ogaaday in seddax qof oo Iran u dhashay loo maxkamadeynayo in ay Sacuudiga u basaasayeen, goobo militari oo Iran leedahay ayaa Wasiirka arrimaha Dibadda ee dalka Denmark Jeppe Kofod waxaa uu u yeeray safiirka Sacuudiga u qaabilsan Denmark.

“Waxaa loo caddeeyay safiirka Sacuudiga u fadhiya Denmark in aanan aqbaleyn dhaqanka howsha noocaan ah,” ayuu Mr, Kofod ku sheegay war uu soo saaray.

Booliiska Denmark ayaa sheegay in xukuumadda Riyadh ay kooxda u dhalatay Iran siisay 3 million oo dollar si ay u siiyaan akhbaar sirdoon. Kooxda, oo sidoo kale loo yaqaano Dhaq-dhaqaaqa Halganka Carbeed ee Xoreynta Ahvaz, ama Asmla, waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay maalgeliyaan gooni u goosatada Carabta, Baluch iyo kooxaha Kurdiyiinta ee Iran, iyadoo ujeedadu ay tahay in ay weerarro ka geystaan gudaha dalka Iran.

Dhacdooyinka dacwad qaadista ee Denmark oo dib ugu laabanaya taariikhda September 2018-kii, markii weerar lagu qaaday dhoolotus militari oo ka socday Iran, waxaa lagu dilay tobanaan askarta Ilaaladda Kacaanka Iran ka tirsanaa iyo dad shacab ah. Afhayeenka Asmla ee Denmark jooga, waxaa uu ammaanay weerarka waxaana uu sheegtay mas’uuliyadda, inkasoo uu markii dambe ka laabtay.

Muddo bil ah kadib, Booliiska Sweden ayaa qabtay Mr. Davoudzadeh markii uu ku laabtay Scandinavia, kadib safar uu ku tagay Iran. Waxayna dib ugu celiyeen Denmark, halkaas oo Jimcihii lagu xukumay markii lagu helay in uu qorsheynayay shirqool iyo in uu basaasayay hoggaamiyaha Asmla iyo xaaskiisa, isagoo la shaqaynayay sirdoonka Iran, sida lagu sheegay xukunka.

Cadeymuhu waxay ku saabsanaayeen indho-indheyn lagu sameeyay Mr. Davoudzadeh iyo baaris lagu sameeyay Gaarigiisa iyo qolkii uu hotelka ka degenaa oo laga helay qori, middi iyo kaar ay ku jiran sawirrada guriga hoggaamiyaha Asmala. Cadeymaha waxa sidoo kale ka mid ahaa farriimo dhexmaray xukunsanaha iyo qof uu garsooruhu ku sheegay in uu ka mid yahay sirdoonka Iran.

Basaasiddu waxay dhacday laba maalmood bishii September 2018-kii, sida xukunka lagu sheegay. Maalmo kadibna Mr. Davoudzadeh waxaa uu u safray Iran. Davoudzadeh waxaa uu maxkamadda ka hor sheegay in uu ka tagay Norway, uuna aaday magaaladda Ringsted, si uu u wajaho hoggaamiyaha Asmla oo uu sheegay in ay xaaskiisa arrimo kala dhexeeyeen, laakiin markale ayuu sheegay in uu u safray Iran, sababtoo ah hooyadiis ayuu xanuun ku soo booday.

Dad kasoo jeeda Iran ayaa horay loogu beegsaday Europe.

Xukunkeeda maxkamaddu waxay tix gelisay dilkii laba qof oo dalka Iran u dhashay loogu geystay Netherlands sanadihii 2015-kii, iyo 2017-kii – dilkaas oo Dowladda Denmark ay ku eedeysay Iran.