MAXAA KA KA DHACAY BOOSAASO?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, ayaa sheegaya in Halkaasi ay Kooxo hubeysan ku toogteen Askari ka tirsanaa Maamulka, halka laba kalane la dhaawacay, kadib markii la weeraray xilli ay ku guda jireen sugidda amniga magaalada Boosaaso.

Wararku waxa ay sheegayaan in Kooxaha weerarka geystay ay dilka kadib goobta ka baxsadeen, lamana oga sababta ka dambeysay weerarkaas.

Dilka kadib ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Saraakiisha amniga ee maamulka Puntland oo sheegay in falka noocaani ah uu mudooyinkaani kusoo badanaayo Deegaanada Maamulka, balse ay wadaan qorsho ay kula dagaalamayaan shaqsiyaadka wada weerarka.

Dhanka kale, Ma jirto ilaa iyo hadda dad loo soo qabtay weerarkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com