Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida, ayaa goordhow Xabsi dhigtay mid kamid ah Askarta darawalada gaadiidka AMISOM ee nooca dagaalka ah.

Askarigaani la dhigay Xabsiga ayaa la sheegay inuu dilay Muwaadin Soomaaliyeed oo Bajaajle ah, kadib markii uu dardarsiiyay gaariga.

Askarigaani darawalka ahaa ee maanta Xabsiga la dhigay ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Barongo John, Waxaana Gaari uu waday uu Wiil dhalinyaro ah ku jiirsiiyay Isgoyska Siinaay ee Muqdisho.

Darawalkaani ayaa falka dilka kadib isku dayay inuu ka baxsadogoobta, hayeeshee waxaa durba qabtay ciidamada Booliska.

Ciidanka AMISOM ayaa dhowr mar waxa ay tacadiyo kala duwan u geysteen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka ku sugan.

DFS ayaan maaro u helin ka hadalka iyo go’aan ka gaarista tacadiyada ay AMISOM u geystaan dadka shacabka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com