Sawirro: R/W Kheyre oo socod kadis ah ku tagay wasaarada ugu mihiimsan DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliy.

Ra’isul wasaaraha ayaa si siman u kormeeray Xafiisyada Dekadda waxa uuna xafiisyada qaar ku arkay nidaam dowladeed.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa xog wareystay dhammaan howlwadeenada Wasaarada waxa uuna sidoo kale warbixin ka dhageystay Mas’uuliyiinta Wasaarada.

Kheyre, waxa uu shaqaalaha kula dardaarmay inay dardar geliyaan shaqada ay u hayaan shacabkooda, isla markaana ay uga soo baxaan si hagrasho la’aan ah.

Kheyre ayaa guud ahaan shaqaalaha u sheegay inay markasta xasuusnadaan inay hayaan shaqo qaran oo muhiimad gaara u leh dawladda iyo shacab keeda, isla mar ahaantana ay iska saaraan masuuliyada gaara.