28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Maxaa xalay ka dhacay Baladweyne?!!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Habeenimadii xalay gabi ahaanba la jaray Korontadii Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kadib markii halkaasi uu maalinimadii shalay gaaray Wafdi heer Saraakiil oo uu hogaaminaayay Taliyaha guud ee Ciidamada Jabuuti.

Wararku waxa ay sheegayaan in amarkaasi uu yahay mid kasoo baxay Maamulka iyo Saraakiisha DF ee Gobolka Hiiraan.

Korontada laga isticmaalo Magaalada Beledweyne, ayaa waxaa bixisa hal shirkad oo kaliya, oo lagu magacaabo Dayax, waana tan sahashay in magaalada oo idil laga damiyo leyrka.

Dadka reer Baladweyne, ayaa kuu xaqiijinaaya in xalay ay Magaaladu aheyd mid madow badan, markii la demiyay shirkaddii korontada siin jirtay Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dhanka kale, Maamulku kama hadlin waxa keenay in la baqtiiyo matoorada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News